Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu fashil kusoo dhamaaday xuskii ladoonayay in lagu maamuuso ururka magac uyaalka ah ee OPDO oo sheegta in uu matali qoomiyada Oromada ee lagumaysto.

Sida xogta aan kuhelay urur kusheega OPDO oo bahwadaag la ah uruka magac uyaalka ah ee EPRDF ayaa baryahanba qaban qaabo wayn ugu jiray in xuska sanadguuradii 27aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii ururka OPDO ee kasoo jeeda qoomiyada Oromada.

Xafladan oo mudo lasoo qaban qaabinayay ayaa lasheegayaa in wax yar kadib furitaankii xafladaba uu dhashay buuq iyo sawaxan lagaga soo horjeedo ururka OPDO oo ah urur loosameeyay bah dilka qoomiyada Oromada.

Warka ayaa intaas kudaraya in dhalin yaro farabadan oo udhalatay qoomiyada Oromada ay bilaabeen in ay ku dhawaaqaan OPDO doonimayno, dad aan go’aan lahayn nama matalaan, OPDO waa ururka na bah dilay iyo erayo kale oo kadhan ah ururkusheega OPDO.

Sidoo kale dhalinta cadhaysan ayaa si cad goobta uga taageeray jabhada xoraynta Oromia ( OLF ) waxayna dhalintu ku dhawaaqayeen OLF hanoolaato, masiirka umada waxaa matala OLF iyo erayo kale oo taageero loogu muujinayay jabhada.

Dhinaca kale dhalintii iyo dadwaynihii madasha fadhiyay ayaa lasheegayaa in ay dab qabadsiiyeen calanka gumaysiga Itoobiya iyo mida kilalka Oromada ba iyagoo babiyay calanka jabhada OLF ee udagaalanta xoraynta Oromia.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada wayaanaha ayaa bilaabay in ay qaqabtaan dhalintii xaflada rabshada kabilowday waxaana xabsiga ladhigay dhalin yaro aad ubadan halka qaar kalana jidh dil loogaystay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay