Wararka naga soo gaadhaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in qaar kamid ah macalimiinta jaamacadaha ( Professors ) ay cambaareeyeen maamulka wayaanaha ee ku amar kutaagleeya talada wadanka Itoobiya.

Sida warku sheegayo Barofaysaro wax kadhiga jaamacadaha Gonder, Dessia, Debretabor iyo kuwa kale ayaa baadhitaan ay sameeyeen kadib sheegay in ay ogaadeen in xukuumada wayaanuhu ay tahay mida ugu maamulka xun guud ahaan aduunka gaar ahaan qaarada Africa.

Macalimiinta jaamacadaha ayaa bayaankooda kusheegay in xuquuqda insaanka ee Itoobiya ay tahay mid aad uliidata isla markaana ay ogaadeen dhibaatooyin badan oo dadka shacabka ah lagu hayo.

Sidoo kale macalimiinta ayaa sheegay in dhalintii wadanku ay u qaybsameen qaar ladilay, kuwo laxidhay iyo kuwa wadanka kabaxay, waxayna macalimiintu bayaan kooda kusheegeen in dadkii wax bartay ee dalka wax tarilahaa ay ubadan yihiin kuwa wadanka dibada uga cararaya.

Dhinaca kale barofisoorada ayaa sheegay in wadanka Itoobiya uu yahay midka ugu liita xaga maamulka iyo maaraynta masiibooyinka waxayna macalimiintu sheegeen in xukuumada ay maarayn wayday abaaraha iyo masiibooyinka wadanka ku habsaday gaar ahaan Ogadenia iyo Dhulka Canfarta.

Sidoo kale macalimiinta ayaa xukuumada wayaanaha ku eedeeyay in ay been aduunka usheegto waxayna macalimiintu xuseen hormarka aan waxba kajirin ee aduunka loosheego kaas oo ah hafaryo aad uwayn waasida ay macalimiintu sheegeen e.

Sikastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay oo dad aqoonyahan ah oo gudaha wadanka jooga ay sicad usheegeen dhaliilaha xukuumada wayaanaha waana markii ugu horaysay ee macalimiinta jaamacaduhu ay masiirka umada ka hadlaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay