Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa kulan gaar ah la qaatey Boqorka dalka Urdun Boqor Abdullah bin Al-Hussein.

Shirka labada hoggaamiye ayaa daba socdey kadib shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta oo looga hadlay arrimaha Carabta iyo la dagaalanka Argagixisada. Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Cabdalla ayaa meel isla dhigay sidii loo adkeyn lahaa xidhiidhka saaxibtinimo ee labada dal, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbadey Boqor Cabdalla in uu ka qeyb qaadato arrimaha gurmadka abaaraha.

Boqor Cabdallaha 2aad ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo isbeddelkii Soomaaliya dalkiisuna si dhaw ula shaqeyn doono Dowladda cusub ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Boqorka. Mr. Farmaajo ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta uu u sameeyay Boqorka, waxaana uu xusay in Urdun iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo xidhiidh soo jireen ah ka dhaxeeyo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay