Xukumada wayaanaha ayaa afar bilood oo kale ku kordhisay xaaladda degdegta ah ee dalku ku jiro. Go’aanka waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey baarlamaan kusheega, kaasoo 100% uu gacanta ku hayo xisbul xaakimka TPLF.

Go’aankan ayaa ah mid la yaab leh. Ra’iisul wasaare kusheega Kooxda TPLF Hailemariam Desalegn ayaa horraantii bishan bidhaamiyey kordhinta, isagoo sheegay in lasii wado cagajuglayn shacabka dulman  talaabadan talaabadan ayaa noqonaysa mid dhiigbadan kudaadanlahayd.Shacabka ayaa wacad kumaray in aysan muujindoonin wixi hadakadambeeya taasoo Jabhadaha usahlaysa in ay sifudud uga takhaluusilahaayeen kooxdan dhiigkunaaxa ah.

Wasiir kusheega gaashaandhigga ayaa muddo kordhintan difaacay isagoo sheegay inay muhiim u tahay in lagu fara adaygo goobaha dawliga ah wixii  hadda kadambeeya hadalkaas oo tusaale u ah inaan lahor istaagikarin moowjadaha sooburqami doona  waxana faraha kabixidoona  waxbadan oo ay kooxdan gacanta kuhayeen.

kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyey xaaladda degdegta ah, waxayna sheegeen in loo adeegsanayo in lagu cabburiyo dadka xukuumadda dhaliila.

Boqolaal qof ayaa la dilay, kumanaan kalena bilaa maxkamad ayaa la xiray tan iyo markii banaanbaxyadu ka dheceen laba gobol oo dalka ugu waaweyn bishii November 2016.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay