Wararka naga soo gaadhaya magaalada Shashamane ee Gobolka Oromia ayaa sheegaya afduub ay ciidanka bahalka ah ee wayaanuhu ugaysteen qaar kamid ah dadwaynaha magaalada Shashamane.

Sida warku nagu soogaadhay ciidanka wayaanaha ayaa maalin nimadii shalay gudaha magaalada Shashamane  ku afduubay arday aad ubadan oo kamid ah arday qoomiyada Oromada udhalatay ee magaalada Shashamane wax kabarata, warka ayaa intaas kudaraya in ay ciidanka wayaanuhu dhibaatooyin kala duwan ugaysteen ardayda ay ku afduubeen magaalada Shashamane  ee Gobolka Oromia.

Xukuumada wayaanaha ayaa sababta ardaydan loo afduubay kusheegay in ay ardaydu faldambiyeed faraha kula jireen iyagoo sida ay sheegeen doonayay in ay qalalaase galiyaan abaanka Gobolka iyo guud ahaan wadanka.

Goob joogayaal kusugan Oromia ayaa sheegaya in ardadan la afduubay ay kasoo horjeed sadeen xukuumada wayaanaha oo sheegtay in ay siiwadi doonto xukunkii dagdaga ahaa ee mudada saaraa wadanka kaas oo wayaanuhu ay sheegeen sababo amaanka la xidhiidha in uu xukunkii siisaaraan doono wadanka.

Sidoo kale Gobolka Oromia gaar ahaan magaalada Shashamane iyo nawaaxigeeda ayaa lasheegayaa in ay kabilaabatay xasilooni daro aad ubadan iyagoo shacabku ay guryaha kasoo baxeen iyagoo ku hanjabay in ay qoriga qaadi doonaan hadii falalka foosha xun iyo handadaada aan laga daynin dadkooda.

Sida ay ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan in kabadan 25 kun oo arday iyo dhalinyaro isugu jira ayaa kujira xabsiyada wadanka Itoobiya kuwaas oo sida lasheegayo kudhibaataysan goobaha lagu haysto.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada wayaanaha ayaa umuuqata mid qaab aargoosi ah shacabku ula dhaqmaysa taas oo muujinaysa tabar la’aanta taliska wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay