Dawlada Japan ayaa xeebaha dalka Soomaaliya usoo dirtay maraakiib dagaal. Hawlagaladan ayaa qeyb ka ah mashruuca la dagaalanka Budhcad badeedka Soomaaliya, todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa si weyn loo hadal hayey dib usoo noqoshada kooxaha Budhcad Badeeda Soomaalida ee qafaasha Maraakiibta maraya biyaha caalamiga ah iyo xeebaha Soomaaliya.

 Dawlada Japan ayaa kamid ah dalalka dhaqaalaha siiya maamulada ka jira dalka Soomaaliya, waxayna horey sidan oo kale ciidamo iyo maraakiib dagaal ugu soo direen gacanka cadan, wallow inta badan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay u badan yihiin kuwa dalalka Midawga Yurub (EU) ee qeybta ka ah NATO.

Kooxaha Soomalida qafaalata maraakiibta ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii 2014, balse xiligan ayaa laga cabsi qabaa inay dib u soo noqdaan maadaama ay xeebaha Soomaaliya kusoo bateen Maraakiibta jariifka ah ee qaata khayraadka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ruqsado ka heysta maamulada dalka ka jira.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay