Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Ankara ayaa xukuumada Turkiga kala hadlay xidhiidhka labada dal oo muddooyinkii dambe soo xumaanayey.

Qodobada ugu muhiimsan oo kulamadan looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa taageerada Maraykanka ka doonayo Turkiga inuu ka qeyb qaato qorshahooda ku aadan dagaalada ka socda wadanka Suuriya iyo la dagaalanka Daacish.

Turkiga ayaa dhankiisa kasoo horjeeda taageerada militari oo uu Maraykanka siiyey kurdida Suuriya kuwaasi oo ay u arkaan kuwo khatar ku ah amnigooda, sidoo kale xukuumada Ankara ayaa ka codsatay Maraykanka inuu xabsiga dhigo Wadaadka Turkiga ah ee Gullen ee ku nool wadanka Maraykanka, wadaadkaasi oo ay dowlada Turkiga ku eedaysay Inqilaabkii militari ee fashilay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay