Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in la afduubay gaadhi xamuul ah oo siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan oo u raraa mulatariga wayaanaha.

Sida xogtu ay nagu soogaadhay gaadhigan oo ahaa nooca xamuulka qaada ayaa marayay wadada isku xidha magaalooyinka Addis Ababa iyo Walo waxaana sida sheegay gaadhiga iyo wixii saaraaba afduubay dablay hubaysan oo kamid ah dadka kacdoonka kala soo horjeeda taliska wayaanaha.

Gaadhiga ayaa sida lasheegay sida shixnad ah oo kakooban qoryo, rasaas, dirays iyo dawo wuxuuna sida lasheegay kusii jeeday Gobolka Walo waxaana sida muuqata gaadhiga qafaashay dadka shacabka ah ee kasoo horjeeda wayaanaha iyo xukunkooda qalafsan.

Dadka siyaasada Itoobiya falanqeeya ayaa sheegaya in hubkan gacanta ugalay dadka shacabka ah uu keeni karo dagaalo waawayn oo dhex mara shacabka kacdoon wadayaasha ah iyo ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada wayaanaha ayaa sheegay in qaar kamid ah saraakiishooda ay kadambeeyaan hubka noocan ah ee markasta shacabka gacanta ugalaya waxayna sheegeen xogta kusaabsan baabuurta safraysa in ay bixiyaan saraakiisha wayaanuhu.

Sikastaba ha ahaatee taliska wayaanaha ayaa ku fashilmay ilaalinta xogta ciidamadooda iyo hay’adaha kala duwan ee xukuumada wayaanaha waxaana muuqata in sirta ciidamada wayaanuhu ay tahay mid banaanka yaacaysa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay