Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya sicir barar siyaasadeed oo hor leh oo kataagan hay’adaha kala duwan ee xukuumada wakhtigeedu gabaabsiga hayay ee wayaanaha.

Sida warku sheegayo kooxda TPLF ee talada wadanka xooga kuhaysata ayuu soo wajahay qalalaase siyaasadeed oo cusub kadib markay 20 urur oo mucaaradka Itoobiya ah ku gacan saydheen kooxda EPRDF/TPLF oo wadahadal dalbatay isla markaana ay ugu baaqeen kooxda TPLF in ay iskaga tagto talada wadanka si wadanka loobad baadiyo waa sida ay hadalka u dhigeen e.

Kooxda TPLF ayaa sida lasheegay ururada kadalbatay in ay wadahadlaan si loo badbaadiyo wadanka oo sida ay sheegeen kujira xaalad adag oo katan wayn wax ay kooxdu xalin karto, waxayna kooxda TPLF tu dalbatay in kulan dag dag ah laysugu yimaado.

Ururadan mucaaradka ah ee 20 ka kor udhaafay ayaa kamid ah kuwa talada wadanka laga ilaaliyo isla markaana qaab magac uyaal ah uun udhisnaa, hase yeeshee ururada ayaa umuuqda kuwo ay ka go’an tahay wax kaqabashada xaaladaha qalafsan ee wadanku uu kusugan yahay.

Ururadan oo uu kujiro ururka wayn ee lagu magacaabo Samayawi ayaa sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay EPRDF hor fadhiistaan ilaa inta laga helayo goob dhex dhexaad ah oo waxa lagu heshiiyo lagu hirgalin karo, sidoo kale ururada ayaa wadahadalka shuruud uga dhigay in xabsiyada laga siidaayo kumanaan shacabka Itoobiya ah oo xabsiyada dhooban.

Afhayeen uhadlay ururada mucaaradka ah ayaa sheegay in dagaalada iyo qalalaasaha kajira wadanka ay mas’uulka tahay kooxda TPLF tu wuxuuna afhayeenku sheegay in aan indhaha laga qabsan karin waxa kasocda wadanka.

Sikastaba ha ahaatee ururada mucaaradka ah ayaa umuuqda kuwo kasoo dhiiran sidii hore kadab markay arkeen dadkii kacdoonka waday oo gaadhaya guulo siyaasadeed iyo kuwo ciidanba iyo kooxda TPLF oo niyad jab wayn kamuuqdo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay