Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Yamen ayaa waxay isugu yimaadeen kulankoodii bilaha laha ahaa waxaana kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha jaaliyada Ogadeniya ee caasimada wadanka yamen ee sanca kulanka ayaa waxaa lagu qabtay guriga umada somalida Ogadeniya ee magaalada sanca shirka ayaa waxaa lagu fur furay wacdi diini ah waxaana soo jeediyay kusii simaha gudoomiyaha jaaliyada Ogadeniya mudane Mohamed Nour kadib wuxuu soo jeediyay qud bad aad u qiimo badan wuxuuna gudoomiyuhu si waafi ah uga hadlay wax qabadka jaaliyada iyo wixii u qabsoomay bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xidhiidhiyaha jaaliyada Ogadeniya Yamen wuxuuna xubnha kula dar daarmay inay sii laban laabaan halganka iyo kaalinta ay kaga jiraan sidoo kale ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan wuxuuna ka dhawaajiyay in wakhtiga lagu jiraa u yahay wakhti kala guura oo loo baahan yahay in lasii laban laabo halganka iyo wax walba.

Guntii iyo gunanadkii waxaa makarafoonka la wareegay gudoomiyaha culumada Ogadeniya wuxuuna u duceeyay shacabka Ogadeniya inuu ilaahay dhibaatada ka dul qaado sidoo kale wuxuu u duceeyay dadkii ku dhintay xanuunka daacunka oo dad badan ku laayay gudaha Ogadeniya.

Shirrkan ayaa wuxuu gabagabadii kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Yamen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay