Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo isugu jira xidhay iyo jidh dil oo ciidamada wayaanuhu ay ugaysteen dadka shacabka ah ee Ogadenia kudhaqan, warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa u qoraa sidan.

27/3/17 Dagmada Xamaro ee Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanuhu xidhay iyo jidh dil ugu gaysteen dadka kala ah
1 cabdi raaxo hudle
2 cabdi carab cali nuur
3 maxamad cabdiwali aadan dhuux
4 cabdinuur wali guhaad

29/3/17 Jabuuti waxaa lagu dilay wiil udhashay wadanka Ogadenia oo lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Maxamuud Maxamad Kaamil.

Shacabka ree Ogadenia ee gacanta gumaysiga kujira ayaa marti u ah dhibaatooyin kala duwan oo ay ugaystaan ciidamada nacabka ah ee wayaanaha iyo kuwa u adeega ee dariska la ah Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay