Shirkii  xubnaha jaaliyada Ogadenia ee Sweden ayaa maanta si fiican ugu qabsomay caasimada wadanka Sweden ee Stockholm, shirkan ayaa ahaa shirkii xubnaha oo sadexdii bilood ba mar xubnaha jaaliyadu isugu yimaadaan, waxaana sidii caadada inoo ahayd lagu fur furay ayado qur aanka kariimka iyo wacdi diini ah oo soo jeediyay Sheekh Xaashi Amiin.

Intaas kadib waxaa lagusoo dhaweeyay makarafoonka Hogaanka warfaafinta ee jaaliyda Ogadeniya ee wadanka Swedan wuxuuna si waafi uga hadlay wax qabadki jaaliyada ee mudadi lasoo dhaafay sidoo kale wuxuu hogaanku ka hadlay wax yaalaha miiska u saaaran maamulka jaaliyada ee ay qaban doonaan.

Waxaa sidoo kale warbixin xasaasi ah goobta ka soo jeediyay Xildhibaan Abdinaasir gadhweyne oo kamida golaha dhexe ee jabhada ONLF kaa soo dhawaan kasoo laabtay shirkii golaha dhexe ee Jabhadda ONLF kaasoo socday intii u dhaxaysay 15kii ilaa 23kii maarso ee 2017 ka, xildhibaanka ayaa warbixin kooban la wadaagay xubnaha jaaliyada oo aad ugu riyaaqay go aamada ka soo baxay kalfadhigii 7 aad ee Golaha Dhexe ee jabhada ONLF waxaa sido kale su aalo badan la waydiiyay xildhibaanka wuxuuna uga jawaabay si waafi ah oo ay ku qanceen dhamaan xubnihii kasoo qayb galay shirka.

Guntii iyo gunaaanadkii dhamaan xubnahihii shirka kasoo qayb galay, gudiga fulinta jaaliyada iyo masuulyiinta Jabhadda ayaa isku balansaday in la dardar galiyo hawla halganka lana is raaciyo gumaysiga daalan ee wakhtigiisu dhamaaday.

Midtid Midnimo Iskutashi Guul Allaahu Akbar.

ONA/Heegan Swedan

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay