Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa wacad ku maray in uu la dagaalamaayo cid kasta oo ku lug yeelata musumaasuq, wuxuuna ballanqaaday in xukuumadiisu ay la dagaalami doonto musuqmaasuqa, ra’isul Wasaare Khayre ayaa hadalkan ka  jeediyay  munaasabad  ay xilalka kula kale wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.

Wuxuu sheegay in dalka uu ka bilowday nidaam cusub oo isla xisaabtan ah, wuxuuna uga digay wasiiradda cusub ee xukuumadiisa  inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira, “Ma aqbali doono aniga iyo madaxweynahaba in la qiyaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana la dagaalamaynaa, qof kasta oo naga mid ah na waa inuu la dagaalamo sidii loo cidhib tiri lahaa musuq maasuqa dalkan la hadhay” ayuu si adag u yidhi, wuxuuna sii raaciyay

“Meel uu musuq ka jiro Amni kama jiro, meel uu musuq ka jiro horumar kama jiro waxaana la idiinkaga baahan yahay in hogaanka Wasaaradu uu Astaan u noqdo aaminaad iyo illaalinta hantida shacabka”.

 Ra’isul Waraaruhu wuxuu sheegay in ceeb tahay in dowladu bixin weydo mushaharaadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, wuxuuna ballanqaaday in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu heli doono xuquuqdiisa, islamarkaana looga baahan yahay shaqaalaha in dowladu ka hesho waxqabad.

Gabagabadii, Soomaaliya ayaa kaalinta kowaad kaga jirta wadamada ugu musuqmaasuqa badan caalamka, waxaana madaxdii  dowladihii kala dambeeyay ee federaalka lagu eedeeyay inay musumaasuqeen hantida dowladda, iyadoo dowladu awoodi wayday inay bixiso mushaharka shaqaalaha iyo Ciidamadda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay