Ururka dhalinyarada iyo ardayda Ogadeniya OYSU ayaa waxay isugu yimaadeen kulan loogu go.gol xaadhayay shir ay qabsan donaan ururka dhalin yaradu 15/04/2017 ka kaasooka  dhici doona xarunta jaaliyada Ogadeniya Norway ee Oslo kulan ayaa waxaa lagu lafa guray sidii loo qaban lahaa iyo barnaamij yada ku saabsan shirka soo socda.

Shirkan ayaa waxaa furay gudoomiyaha Ururka dhalin yarada iyo ardayda Ogadeniya Faraca wadanka Norway Mudane Nuur Khaliif Carte wuxuuna ka hadlay hawlaha horyaala ururka dhalin yarada iyo wax yaalaha looga baahan yahay in la qabto sidoo kale gudoomiyaha ayaa wuxu ka hadlay mudadii uu xilka hayay wixii u qabsoomay dhanka kale waxaa goobta ku sugnaa gudoomiyaha Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Norway mudane Halgame Khaliif Cabdi Cali iyo xubno badan oo kamid ahaa maamulka jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Norway.

Kulankan ayaa waxa sidoo kale looga hadlay abaaraha Ogadeniya ka jira baahida shacabka Ogadeniya iyo sidii wax looga qaban lahaa qaar kamida ururka dhalinyarada ayaa waxay isu xil qaameen inay ka caawiyaan dadkooda abaaraha halaakeeyay ee ku habsaday shacabkooda, abaarahan ayaa waxaa qarin haya gumaysiga Itoobiya qaar kamida shacabkii abaarta kasoo cararay ayaa waxay soo gaadheen gudaha wadamada dariska ah.

Guntii iyo gunaanadki maamulka jaaliyada ayaa waxay ku amaaneen ururka dhalin yarada dar darta iyo wacdaraha ay lasoo baxeen wakhtiyadan xaadirka ah waxaana maamulku ugu baaqay inay sare usii qaadeen abaabulka bulshada wacyi galinta iyo taageerada halganka Ogadeniya shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balan san yahay shirka ururka dhalin yarada ee dhici doona bishan gudaheeda hadii ale idmo.

Midtid, Midnimo, Iskutashi, Guul, Allaahu Akbar.

ONA/Oslo

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay