Idaacaddii shalay oo Isniin ahayd ka baxday ICDS ayaa waxay kaga warbixyeen sanadkii tagay guulihii ay jabahdda ONLF ka gaadhay halganka gobanimadoon. Warbixintaa oo si fiican oo talantaali ah ay wariyayaasha isu dhaafsanayeen ayay waxay ku soo bandhigeen tirakoob cilmiyaysan oo ka hadlaya guulihii ay JWXO ka soo hoyisay sanadkan tagay gudaha iyo dibadda.

Tirakoobka ay idaacadda soo bandhigtay ood hoosta ka dhagaysan kartaan ayay ku muujiyeen xisaabaha soo socda;

1- Dagaalada ay CWXO qaadeen sanadkaa oo isugu jira dhamaan hawlgalada ciidanka ayaa ahaa 763 dagaal. Taasoo ka dhigaysa inuu dhacayay isku celcelin +63 dagaal bishiiba.

2- Waxaa lagaga dilay cadawga hawlgaladaa isugayn 5462 askari, meesha uu dhaawacooda gaadhay 2836. Askartan laga laayay cadawga ayaa 319 ay ahaayeen saraakiil ay 5 ka mid ah yihiin Gaashaanle sare.

3- Waxaa cadawga laga qabtay oo xeerka caalamiga ah siduu dhigayay loola dhaqmay 241 askari.

4- Dagaalada dhexdooda ay ka dagaalameen ayaa ahaa 26 dagaal ay isaga dileen 84 askari iyo dhaawac ahaa 150. Iyadoo ay ka baxsadeen sanadkaa ciidan gadhaya 170 askari.

5- Waxaa weeraradaa laggaga gubay cadawga 95 gawaadhida ciidanka ah, iyadoo hub farabadanna looga furtay.

Halgankii ka socday sanadkii tagay dibadda dalka ee jaaliyadaha iyo ururka dhalinyarada OYSU ay qaadeen ayay idaacadda sidoo kale warbixin iyo tirakooba ka samaysay. Halkan ka dhagayso Warbixintaa waafiga ah;

[audio:http://www.ogadennet.com/wp-content/uploads/2012/01/warbixintii-2011.mp3|titles=warbixintii 2011]

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay