Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya ayaa sheegaya in gaadhi Uuraal ah oo ay lahaayeen ciidamada gumaysiga Itoobiya uu ku gadoomay meel wax yar u jirta Dagmada Muluqamayu ee Gobolka Nogob, gaadhigan Uuraalka ah ayaa waxaa saaraa ciidamo Itoobiyaan ah oo badan kuwaasi oo sida lasheegay ay ku dhinteen qaar badan oo kamid ah.

Warka ayaa intaas ku daraya in dhaawacii ciidanka wayaanaha ay laayeen shacab ka ag dhawaa goobta uu shilku kadhacay kuwaasi oo ciil u qabay ciidamada bahalka ah ee gumaysiga Itoobiya.

Magaalada Muluqamayu ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay mudaaharaad lagaga soo hor jeedo xukuumada gumaysiga Itoobiya, ciidanka wayaanaha ayaa waxay sidoo kale ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada xadhig, dil iyo boob joogto ah.

Guud ahaan shacabka kudhaqan gayiga Ogadenia ayaa umuuqda kuwo kudhiiran ladagaalanka iyo muujinta nacaybka ciidamada gumaysiga Itoobiya ee mudada dheer xooga kuhaystay.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay