20 xildhibaan oo ka mid ah gollaha shacabka ayaa ku tilmaamay heshiiskii Saldhiga milateri ee dowladda Imaraadka iyo Somaliland  ay kala saxiixdeen mid xad gudub ku ah siyaasadda guud iyo qaranimada jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay dowladda Imaraadka inay dhaawacayaan madaxbanaanida Soomaaliya

Mooshinkan ka dhank ka ah  heshiiskaas ayaa loo  qaybiyay xubnaha Barlamaanka, iyadoo xildhibaanada soo gudbiyay  mooshinka ay sheegeen in heshiiskaas uu muran badan ka dhexdhaliyay gudaha Somaliland, aadna looga soo horjeestay, ayay cadaatay in khasab lagu meel-mariyay ogolaanshaha heshiiskaas.

“ Falka ay ku kacday dowladda Imaraadka Carabta wuxuu ka soo horjeeda midnimada iyo qaranimada JFS, dhaawacayana kalsoonida iyo xidhiidhka wanaagsan ee walaatinimo iyo iskaashi oo soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya JFS iyo Dowladda Imaaraadka” ayaa lagu yidhi mooshinka.

Gabagabadii, Xildhibaanadu waxay dowladda federaalka u soo jeediyeen inay wadahadal saxitaan ah kala yeelato dowladda Imaraadka heshiiska Berbera, iyadoo la dhowrayo mabaadi’da qarameed ee ay ku dhisantahay Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay