Wargayska caanka ah ee lagumagacaabo Huffington Post oo fadhigiisu yahay wadanka Maraykanka ayaa maqaal dheer oo uu soosaaray ku sheegay in warbaahinta aduunku ayna sidoo loobaahnaa warka uga soo tabinin wadanka Itoobiya.

Warkayska ayaa maqaalkiisa diirada kusaaray eedayn uu ujeedinayay warbaahinta madaxa banaan ee caalamka wuxuuna joornaalku qoray in warbaahinta aduunku ay kagaabisay soo gudbinta xaqiiqada kajirta wadanka Itoobiya.

Wargayska oo maqaalkiisa siiwatay ayaa sheegay in dagaalada, xanuunada iyo abaaraha kajira wadanka Itoobiya ayna jirin cid isu xilqaantay in ay soo gudbiso isla markaana ay warbaahinta caalamku arinkaas kudhaliilantahay.

Hasa yeeshee joornaalka caalamiga ah ee Huffington Post waxaa kahoosbaday dhaqanka qalafsan ee xukuumada wayaanuhu wuxuuna qoraaga wargaysku iloobay in taliska wayaanuhu uu warbaahinta ka mabnuucay dhulka uu gacanta kuhayo.

Sida aan wada xasuusanahay warbaahinta caalamka ayaa geed dheer iyo kugaabanba ufuushay sidii ay xog xaqiiqa ah uga soo heli lahaayeen gudaha Itoobiya, balse waxaa arinkaas gaashaanka udaruuray taliska macangaga ah ee wayaanaha oo caanku ah cabudhinta saxaafada iyo suxufiyiinta.

Sabata keentay in warbaahinta laga mabnuuco guud ahaan wadanka Itoobiya gaar ahaa Ogadenia ayaa ah in laqariyo dilka, kufsiga, xidhayga iyo dhaca baahsan ee kajira wadanka Ogadenia iyo qaybo badan oo Itoobiya kamid ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay