Intaana dhex galin Mawduucayga aan u socda waxaa muhiim ah inaan marka hore isla fahano Gogosha Maqaalka. Halgame waad ogtahay oo Dadku waxay marayaan qadarta Eebewayne ee loo qoray maalintii ay xabka iyo biyaha ahaayeen. Taas waxaa si aad ah u qeexaya iimaanka aynu haysano. Waxaa jira Aqdaar insaaniyada ku dul dureerta kana wada dhaxeysa kuwaas oy ka mid yihiin, Abaarta, cudurka, Guumaysiga, Xorriyadda, Dharagta, Gaajada, walwalka, farxadda iyo wixii la mid ah.

Waa xaalado cidii loo qadaro ayna ka badbaadi karin, mana jirto cid ay gaar ula dhasheen oy la factirsadaan ama ay wajiga kaga suntanyihiin. Hadaad isha soo marisay arartaas waxaan filayaa inaad ila fahantay inuuna jirin wax Dhib ama Dheef ah oo umadda somalida ogadenya gaar ku ah, sidaas ayuuna ku yaraanayaa culayskii duruufta adag ee aad dareemaysay.

Maanta waxaynu daboolka ka qaadaynaa mid kamid ah mawduuca sida aadka ah u taabanaya shaqsi kasta oo kamid ah bulshada soomaalida Ogadenya. Waxaan soo xusay inay waajib tahay qaadashada Qadarka ilaahay waana mid aan hadal badan u baahnayn. Arrinka dhibka ah ee nafina ayna raali ka ahayn dadkuna isla qirayaan ayaa ah in la isku gardaroodo, sida in la is dhaco, in la is dilo, ama la isu xoog sheegto. Waxaas oo dulmi ah oo wada xaaraan ku ah sharciga ilaahay iyo kan wadciga ah ee ay umaduhu samaysteen ayaa ka jira Ogadenya.

Waxaa kale oo iyana muhiim ah inaan xuso waxa bani’aadamka isku xidha oo ah in masiibooyinka xagga Rabi kayimaada la iska caawiyo oo gacanta la isaga fidiyo, sida cudurrada iyo abaaraha kajira ogadenya oo kale. Waxaa ku adkaaday cid kasta oo dooneysa inay caawiso dadka tabaaleysan galitaankii wadanka, sababkuna waxaa weeye kooxda qowlaysatada ah ee Tigreega iyo soomaalida isugu jira oo xayndaab dusha kasaaray dalkii iyo dadkiiba!

Wadanka Guumaysiga ku jira ee Ogadenya waxaa ka socday gumaad iyo bahdil aad u baahsan laga soo bilaabo 1994 waqtigaas oo ahaa waqti shacabku si cad uga horyimid maamulkii Guumaystaha oo uu majaraha u hayay Axmaq, Meles Zanawi. Dadka aan ilaahay dhamaynin ma dhamaadaan, laakiin waxba mayna ula hadhin cadowgu dadkaas.

Hadaan waxyar ka taabto qaabka ay wax u dhacayeen waxay ahayd in dagaalkii lagaga guulaystay Meles iyo ciidankiisa, kadib ayay abuureen Maleeshiyo ka kooban Ciyaala,suuqiin u dhashay Ogadenya. Waxaa lasiiyay awaamir fareysa in wixii Rag ah la laayo wixii Dumar ahna boob iyo bahdil la isugu daro! taasi waxay keentay inay dadku aad usii fogaadaan, jabhadoodiina garab istaagaan. Waxaa intaa dheeraa in la saaro cunaqabatayn wadooyinkii laga fadhiistay si aan wax dhar, dhuuni ama daawo ahi usoo galin wadanka! Waxaa sidoo kale laga mamnuucay saxaafadda caalamka iyo waliba Hay’adaha taakuleeya dadka baahan iyo danyarta.

ABAARTA, CUDURKA DAACUUNKA EE KA ALOOSAN OGADENYA & ARAGTIDEYDA KU AADAN-

Waxaa Bilahan aaynu ku jirno is qabsaday Qeylo dhaanta Abaaraha baaxadda leh ee ku habsaday guud ahaan umadda soomaaliyeed oo ah umad ku tiirsan xoolaha nool ee ay ka helaan Cadka iyo Caanaha. Abaartu waxay sababtay inay xoolihii Biyo iyo Baadba waayaan sidaana ku halaagsamaan, dadkiina maadaama uu iyaga ku xidhnaa ay meel cidla ah kusoo dhacaan. Waxay dantu keentay in gobol waliba isagu isu gurmado, sidaasaana lagu badbaadiyay Dad iyo Duunyo fara badan.

Hadaba dadka soomaalida Ogadenya looma gurmanin lamana hayo Hay’ado ama Saxaafado caalami ah oo waqti fiican ku bixiyay soo bandhigidda dhibaatada dadwaynaha markii laga reebo baaqii Ururwaynaha ONLF oo isagu u taagan sidii Dadka iyo Dalku guumaysiga uga bixin lahaayeen. Waxaa kale oo jira inayna waxgaradkii wadanka u dhashay ee Qurbuhu si xor ah utagi karin Dalkooda hooyo si ay dadkooda ugu gargaaraan dhibkana ula qeybsadaan!

Waxaa shacabka Ogadenya Abaaraha u dheer Cudurka daacuun caloolaha oo si wayn u haleelay gobolada ay ka midka yihiin Nogob, Qorraxay, Doolo, Jarar, Faafan iyo kuwo kale. Wadanka waxaa kajira maamul kusheeg uu horjooge ka yahay Cabdi cadow/ ina ilay oo ah maamulka sameeyay Jeelalka waawayn ee shacabka lagu ciqaabo ee uu ka mid yahay ka la baxay Jeel Ogaadeen.

Hadaba saxaafadda Maamul kusheeggu waxay ku andacooneysaa inay gurmad u fidiyeen dadka ay masiibadu haleeshay!- soomalidu hadal way dhameysay oo waxay tidhi- Nin ku dilay hadh kuuma jiido. Dambiile ina ilay waxaa lala socdaa inay dacwadi kataalo Xarumaha Hay’adaha xuquul insaanka, Xarunta qaramada midoobay ee Geneva, Xarunta midowga Yurub ee Brusels, Maxkamda dambiyada caalamka ee ICC ee Heeg iyo meelo kale.

Hadaba akhristow Su’aasha taagani waxay tahay- Ninka jariimooyinka ku caanbaxay ee cadeymahooda la hayo yuu ka dhaadhicin karaa inuu dad u gurmaday oo uu badbaadiyay. Waxaan booqday Websedkiisa magaanka ah ee u qaabilsan been hawaasnimada ee Cakaara Jeermis, waxaana ku camiran Sawirrada isaga iyo kooxdiisa u nacamleysa ee Aabada daba gura, Hoolalka iyo kuraasida ay ku fadhiistaan oo loo xayisiinayo sidii Alaabada Shirkadaha. Waxaa jira anshax saxaafadeed oo mudan in la ilaaliyo, balse Webka Cakaara jeermis waa Website indho sarracaad ahaan loo adeegsado si dadka loogu jaah,wareeriyo.

Wali waxaan kujiraa Faaladii cakaara jeermise, waxaa jira qeyb hoose oo war kusheeg ah, waxaana ku qornaa dhowr mawduuc oo sheegaya ina ilay oo booqasho ahaan ugu baxay Gobolada cudurrada iyo abaaruhu la dageen. Aragtida aan ka qaatay safarkaas waa inuu u tagay soo daawashada baaba’a bulshada masaakiinta ah, si uu Askarta Woyaanaha ugu keeno war ka farxiya kasoo ah in dadka intii hambada ahayd ay dhibaato wayni dul saaran tahay, xaalkooduna aad u liito.

Ujeedka kale ee aan ku fasiri karo socdaalkiisa waa inuu helo Sawirro uu warbaahintiisa ku faafiyo oo uu soomaalida Qurbaha iyo caalamkaba utuso inuu yahay muwaadin naxariis leh oo dadka urroon. Cabdi Aakhiro,mooge- Ina Ilay iyo Askartiisa Liyuu Balaayo, waxay caan kuyihiin inay dadka xasuuqaan, kadibna ay Maydadka isku dhex sawiraan, ama ay si qasab ah dadka kusoo shiriyaan oo ay hanjabaad raaxada kaga qaadaan, Sidaa awgeed anoo soo koobaya hadalka waxaan leeyahay- Dameero wadoow Warkaa waa kaa soo horreeyay!

Cabdi cadow/ina ilay iyo budhcadiisa waxaan u arkaa inay kadaran yihiin Aabaarta iyo Daacuunka kajira Ogadenya, sababkuna waxaa weeye kuwaas waxaa keena ilaahy Sub,Wat- isagaana xaq uleh dadkiisa goortuu doono inuu dilo ama nooleeyo, sidoo kale goortuu doono inuu abaareeyo ama barwaaqeeyo, sidaas ayayna dadku ku qanacsanyihiin. Arimaha aan ku cadeynayo inay Abaarta iyo Daacuunka ka daran yihiin- waa faro,xumeynta Haweenka, Dilka aan aabayeelka lahayn oy usii dheertahay Maydka lama aasi karo, Xoolaha dadka oo la boobo laguna horqasho. Intaasi waa wax kamid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee lama ilaawaanka ah!. Arrinka labaad een ku cadeynayo inay ka daranyihiin Abaarta iyo Daacuunka, waa Odayaasha ay bulshada horteeda ku bahdilayaan ama ay ku qaawinayaan. Arrinka sadexaad een ku cadeynayo inay Abaarta iyo Daacuunka ka daranyihiin, waa inay yihiin balaayo soo taagan Sanooyin fara badan, meesha Abaarta iyo Cudurradu soconayaan muddo kooban kadibna soo afjarmayaan.

Waxaa jira calaamado lagu yaqaano Goobaha caafimaadka oo ah, sida Babuurta Ambalaasta, Dhakhaatiirta oo ku labisan dharka cadiinka ah ee bukaanka farxadda galiya, korjado Daawooyin ah oo fara badan IWM ee majiraa wax arkay wax kamid ah calaamadahaas. Ina ilay iyo horintiisa Budhcad Barriga ah oo yaqaana kaliya, sida wax loo mirjiyo ama loo uusxabaalo waxba uma kordhin karaan boqolaalka bukaanka ah ee is garab daadsan meelo badan oo dalka kamid ah! Waxaan horay ugu cabiray kooxda aan kusoo magacaabay Budhcad Brriga, balse loogu yeedho Liyuu booliska iyo dhaqankooda liita, Tix suugaan ah ee aan waxyar kasoo goostee si wanaagsan u dhugo-

Tayo xume Liyuu boolisow Dhagaha ii taaga-
Tacabkood kuwii uu ba’oow Dhagaha ii taaga-
Oday tahara kama sheexaysaan turid warkeed daaye-
Habrihii Tacbaan bay noqdeen saad u tumayseene-
Gabdho ugub ahoo toosan baad wada taxaabteene-
TALIYAHA SIDAA SOO AMRAYI WAA TIGREE LUMAY.

Umushay aduunyadu taqaan loona turayaaye
Ilmuhuna talaal buu helaa suu utabareeyo
idinkuse tabtiinii xumayd waad ku tumateene
TALIYAHA SIDAA SOO AMRAYI WAA TIGREE LUMAY.

Markaan isku soo xaabiyo murtida qoraalkan waxaan leeyahay Cabdi Ilay iyo shaqsiyaadka kale ee Dakanooyinka waawayn ka galay soomaalida ogadenya, waxay garanayaan in isbadalka dhabta ah ee ku yimaada Dalka uu dadwaynuhu kusoo oogi doono Kiisas farabadan Gude iyo Dibadba, Taasoo meesha kasaari doonta inay wax Nabad ah oo dambe ku naaloodaan!.

Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.