Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in wali uu fara ba’an ku hayo xanuunka daacuunka guud ahaan shacab waynaha soomaalida Ogadeniya iyadoo ay gaadhay heerka dhimashadu mid aan la qiyaasi karin.

Hadaba waxaa dhacdooyinka ugu xanuunka badnaa ee nasoo gaadhay kamid ahaa hooyo lagu magacaabo Saynaba Macalin Yuusuf iyo 4 Caruur ah oo ay dhashay in ay halmar ah u dhinteen xanuunka daacuunka waxayna ku dhinteen Tuulada lagu magacaabo Barmiil oo hoos timaada Dagmada Dhuxun ee Goboka Nogob.

Shacabka Soomaalida Ogadeniya ayaa waxay u dhimanayaan si xowli ah mana jiraan wax gurmad ah oo uu u fidiyay Gumaysigu ilaa hada. Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu qarinayaa xanuunanada iyo abaaraha ka jira wadanka Ogadeniya.

Waxaan ilaahay uga baryaynaa in uu u naxariisto inta dhimatay inta xanuunsana inuu ilaahay ka dul qaado xanuunka.

 

ONA/Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay