Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in kacdoonkii shacabku uu yeeshay waji cusub oo qas iyo qalalaase hor leh kukeenay xukuumada wayaanaha.

Sida warku sheegayo dadka shacabka ah ee kacdoonka kawada gudaha wadanka Itoobiya ayaa adeegsanaya farsamooyin cusub oo ay ku khal khal galinayaan taliska wayaanaha iyo ciidamadiisa dad cunka ah ee uu ku adeegto.

Farsamooyinka cusub ee ay shacabku isticmaalayaan waxaa kamid ah dadka kacdoon wadayaasha ah oo lacagta wadanka ee Birr ka looyaqaano kuqoraya erayo kadhan ah taliska wayaanaha taas oo noqotay meel xukuumada loogu mariyo fariimaha dag daga ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in todobaadkii ugu dambeeyay si wayn lacagta wadanka laga isticmaalo loogu qorayay erayo kadhan ah gumaysiga waxaana erayadaas kamid ah wayaanaha doonimayno, wakhtigii gumaysigu wuudhamaaday iyo erayo kale oo taliska lagu xasuusinayay dhibka uugaystay.

Taliska guud ee wayaanaha ayaa lasheegayaa in bangiga dhexe ku amray in uu soo uruuriyo lacagaha lagu qoray erayada mucaaradka ah isla markaana lagu badalo lacag kale si loo xakameeyo faafitaanka erayada xukuumada kadhanka ah.

Hase yeeshee shacabka ayaa si aan caadi ahayn usii kordhiyay qoritaanka erayada diidmada loogu muujinayo gumaysiga waxayna shacabku maalinkasta iyo saacad kasta qoraan erayo gumaysigu uu kanaxo kuwaas oo lagu qorayo lacagta dadku ay isticmaalayaan taas oo sahlaysa in qofkasta uu qoraalka akhriyo.

Sikastaba ha ahaatee kacdoonkii shacabka ayaa yeeshay waji cusub waxaana la rumaysan yahay in wayaanuhu uusan wax maare ah uhelaynin qorshaha cusub ee shacabka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay