BRR.Marka hore dhamaan umadda Somaliyeed ee wanaaga jecel waxaan ku salamayaa Salaaanta Islaamka ee sharafta badan ACWW waxaan si gooni ah u salaamayaa guud ahaan shacabka gobanimo doonka ah ee Somalidda Ogadenya iyo hormuudkooda xaq u dirirka ah Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO), salaan aan la qiyaasi karin oo duco, bogadin & hambalyo xambaarsan inaan hawada u mariyo waxaa si aad ah xaq iigu leh geesiyaasha Ciidanka qalabka sida ee Waddaniga Xoraynta Ogadenya ee mucjisada ah oo hadii aysan jirin hamiga, hanweynida, fikirka maskaxeed iyo dadnimada igu daaban aysan suurto gal ahaadeen Illahayna waxaan ka baryayaa in uu ciidankanaga cisada mudan ee khayrka qaba noo barakeeyo dhiigooda ay noo hurayaana uu gobanimo nagu gaadhsiiyo macaanka xoriyadana nagu dheefsiiyo iyagana aakhiro iyo aduunba uu ka farxiyo aamiin aamiin aamiin.

Kolkaan intaas ka gudbo waa igu waajib inaan umadayda iladareenka ah lawadaago waxyaalaha masakxdayda ku soo dhaca ee nawada khuseeya hadba inta uu Illaahay ii sakhiro waxaanan maanta calmaday qormadan cinwaankeedu kor ku xusanyahay oo aan ku cabirayo waddaninimada hawlkarnimada geesinimada deeqsinimada adkaysiga xishoodka iyo dhiiranaanta dhabta ah ee Haweenka tayada badan ee Somalida Ogadenya Rabbi SWT uu ku manaystay iyo sida ay ugu badheedhaan ka qaybqaadashada halganka gobanimada dadka iyo dalka Ogadenya lagu baadi goobayo laguna soo celinayo karaamadii iyo haybadii shacabka Somalidda Ogadenya uu gumaysigu ka xayuubiyaya.

Guud ahaan haweenka dunidu gaalo iyo Muslimiinba waxay ka simanyihiin ahmiyada balaadhan ee ay bulshada u leeyihiin wayna kamidaysanyihiin xilka culus ee dumarku ay xambaarsanyihiin iyo masuuliyada uu Rabbi SWT saaray ee baaxada wayn leh waxaase jira duruufo iyo waayo ay Dumarku ku kala duwanyihiin sidoo kale waxaa jira shuruuc iyo qawaaniin kala wada duwan oo dhamaan haweenka dunida qaybiyay.

Haweenka Somaliyeed iyo miisaanka ay busldhada ku dhex leeyihiin.

Guud ahaan Haweenka Somaliyeed waa halbawlaha iyo wadnaha umadda Somaliyeed waana hoyga rasmiga ah ee nolosha bulshada waxayna kaalin mug leh ka qaataan nolosha qoysaskooda iyo ta umada guud ahaan lamana soo koobi karo tilmaamaha ku hirashada leh ee Haweenka Somaliyeed u gaarka ah, in kasta oo Haweenka iyo Raggu ay yihiin labo jaanib oo Allah SWT uu siku dheeli tiray hadana Haweenka Somaliyeed waxay Ragga Somaliyeed kaga duwan yihiin oo wanaag ah ayaa aad u badan waxaana la hubaa in meesha wali umadda Somaliyed ay ka nooshahayuu dhanka Haweenka yahay waayo Haweenka Somaliyeed kama qayb qaataan duminta iyo kala fogyanta umadda Somaliyeed waxayna baylah tiraan oo ay si joogto ah u xanaaneeyaa ubadka iyo dadka tabarta yar ee wakhtigu uu dhaawacay.

Haweenka Somalida Ogadenya maxaa goon ku ah?.

Haweenka Somalida Ogadenya oo xilka aan xusay ee culs dumarka oo dhan kala midaysan waxaa u gaar ah duruufo aan haweenka aduunka intooda kale haysanin kuwaas oo ka dhashay gumaysiga ay shacbka Somalida Ogadenya ku hoo jiraan oo ruuxda iyo nolosh Haweenka Somalida Ogadenya saamaynta ugu wayn ku leh, sida lawad ogyahay dhulka Ogadenya waa dhul Somaliyeed wuxuuna wali baaqi ku yahay gacanta naxariista iyo garwshiinyaha daran ee gumaysiga Itoobiya .

Sidaas awgeed Haweenka Somalidda Ogadenya waxay xaq u leeyihiin in ay helaan nolo xor ah sida ay Haweenka caalamkuba u haystaan kolkay sidaas tahay umadda Somalidda Ogadenya ee laguamysto Rag iyo Haweenba waxaa qasab ku noqtay in ay madaxbanaanidooda u halgamaan waayo lama agar umad gumaysi qabsaday oo iyadoon dhiig badan u daanin xoriyad iyo gobanimo heshay waxaana umadda Soamlidda Ogadenya waajib ku in ay cadowgooda u midoobaan iskana dulqaadaan sabataas darteed ayayna Haweenka Somalidda Ogadenya halganka hubaysan ee Ogadenya ka socda hormuudka ugu yihiin.

Haweenka Somalida Ogadenya iyo qaybta ay halganka gobanimo doonka ah kaga jiraan.

Haweenka Somalida Ogadenya waa halgameyaal aan gabashada aqoonin oo birlab ah waxayna ka qayb qaataan nooc walba oo uu halganku yahay haday tahay xooga Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogadenya , arimaha abaabulka iyo wacyi galinta bulshadaba Haweenka Somalidda Ogadenya qayb wayn oo la’aantood uusan waxba suutro galeen ayay kaga jiraan gumaysigana uma habradaan oo diidmo qayaxan ayay kala hor tagaan waana Miino gumaysiga gudaha Ogadenya iyo dibadaba kaga qaraxda, Haweenka Somalidda Ogadenya dabo dhilif ma yeeshaan guno intay qaataana dadkooda ma hagardaameeyaan caruurtoodana cadowga uma loogaan wayna ka sareeyaan meeqaankaas riqiiska ah ee dulinimada ah iyo in gacanta waxyar oo masiirkooda lagaga leexinayo loo saaro waxayna hoy iyo horsed u yihiin xishood hodan ah akhlaaq suuban, hami sare iyo Iimaan kaamil ah.

Xilkasnimada Haweenka Somalida Ogadenya

Haweenka Somalida Ogadenya waa xilkas awood badan oo luxdani ay ku daabantahay waxyan u guntadeen in aysan halganka umadooda lagu xoraynayo ka seexanin ayna ka mid noqdaan xooga ONLF ee gobanimo doonka ah una halagmaya soo celinta sharafta dadka iyo dalka Ogadenya waxayna qaybta ugu wayn ka qaataan horumarka iyo nolosha shacabka Somalidda Ogadenya ee hayaanka sidoo kale waxay si joogto ah u dardar galiyaan hawlaha halganka Ogadenya lagu xoreynayo oo ay u huraan naf, maal iyo wakhti intaba waxayna Haweenka Somalidda Ogadenya ka fogaadaan waxkasta oo bulshada dhaawac u keeni kara sida qabyaalkada, eexda qofjeclaysiga, afmiishaarnimad iyo waxkasta oo umadda Somalidda Ogadenya kala qaybin kara.

Geesinimada Haweenka Somalida Ogadenya

Haweenka Somalida Ogadenya waa geesiyaal calool adag sabbir badan oo aan cadowgooda u jixinjixin waxayna u babac dhigaan dhibkasta oo ay gumaysiga kala kulmaan iyagoo mabadii’da ay aaminsanyihiin ee gobanimo doonka ah darteed halis faro badan u gala waxayna la kulmaan khataro aan la qiyaasi karin oo gude iyo dibadba ka soo wajahda wayna u adkastaan oo lagama dareemo sikasta oo ay dhibaato u soo gaadhana rabitaankooda lagama leexin karo bale dhibka loo gaysto way ku sii karaar qaataan waucuuna gumaysigu ka dhaxlaa cadho ay ahweenka Soamlidda Ogadenay dhibka ak sii qaadan oo aan la xakamayn karin si aad ahna loo dareemo waxayna Haweenka Somalidda Ogadenya u dhabar adaygaan xadgudubyada aan kala joogsiga lahayn ee gumaysigu uu ku hayo.

Dhibaatada in badan oo Haweenka Somalidda Ogadenya ka mid ah gumaysiga ka soo gaadha oo si wayn muuqaaladooda looga dheehanyo hadana kuma niyad jabaan saamayn dhanka quluubta ahna kuma yeelato Haweenka Somalidda Ogadenya ee gudaha dhulHooyo jooga waxaa loo gaysta xadgudubyo aan laga sheekayn karin oo sida ay dad Aadame sheeganaya uga fuurto gasho ay maskaxdu diidayso Hooyada Somalidda Ogadenya waxaa lagula kacaa wax kasta oo ruux bani aadam ah uusan xaq u lahayn waxaa lagu hor gawracaa Aabaheed, Wiilkeeda Walaalkeed Saygeeda iyo dhamaan ehealdeeda kale waxaa horteeda lagu faro xumeeyaa Gabadheeda iyada lafteeda ayaa falakaas oo dhan loo gaystaa akhriste bal ka waran ruux Bani Aadam ah oo waxaas aan ka sheekeeyay iyo waxyaalo kadaran oo anan halkan ku soo koobi karin si joogto ah ula nool hadana aan waligii ku niyad jabaynin?, sifahaas waxaa gooni u leh hibana loo siiyay Haweenka sharafta badan ee Somalidda Ogadenya.

Deeqsinimada Haweenka Somalida Ogadenya

Haweenka Somalida Ogadenya waa deeqsiyaal umadooda u hagar baxa una naxariista oo hadba inta nugul ee tabarta yar kaalmo iyo gacan u fidiya sidoo kale waxay ilaaliyaan maskaxda ubadka Somalidda Ogadenya ee xoriyad la’aanta ku indho dilaacsaday waxayna ku barbaariyaan akhlaaqda suuban, wanaaga xoriyada iyo u adkaysiga dhibaatada gumaysiga ee baaxada leh, Haweenka Somalidda Ogadenya waxay ubadka iyo da’yarta Somalida Ogadenya ku jeheeyaan jidka toosan ee aduun iyo aakhiro labadaba liibaanta lagu gaadhi karo waxayna halganka dheer ee gobanimo doonka ah u soo saaraan hadba Jiilka cusub ee xanafta leh hawshana la wareega .

Sida xaqiiqda ah Haweenka Soomalida Ogadenya waa mas’uuliyiin dhab ah oo aan iyagoo kale caalamka laga helaynin ku dayashona leh waxayna mudanyihiin amaan, bogaadin iyo duco joogto ah.

Ugu dambayn Haweenka Somalidda Ogadenya mid yar iyo mid weyn gude iyo dibad meel ay joogaanba waxaan u dirayaa hambalyo iyo bogaadin waxaanan leeyahay faraska inoo heensaysan waxaynu kooraha kaga furaynaa madsha aynu higsanayno ee xoriyadda Insha Allaah halku dhageenuna waa guul ama geeri.

La soco Q/2aad

Rooda Ibrahim C/Gurey.

Afjano2004@yahoo.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay