Warar aan ka helay  wariyayaasha ku kala sugan gobolada Qoraxay iyo Jarar ee dalka Ogaadeenya ayaa sheegaya inay jireen dhaqdhaqaaqyo aad u tabardaran oo uu maalamahan isku dayay cadawga kaasoo ay ciidamada JWXO kala hortageen dardar  dagaal, waxayna halkoodii ku celiyeen ciidamadii wayaanaha ee rabay inay maraan degaano ka tirsan gobolada aan soo magacawnay.

Ciidanka waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (CWXO) oo aad  u xeeladeeyay dagaalada  ay la galayaan cadawga ayaa 26 December weeraro habeenimo ku qaaday tuulo yar oo lagu magacaablo Ballisareedo  oo ka tirsan deegaanka Qaali ee dagmada Gunagado waxayna cadawga ugu gaysteen weeraradaa khasaare nafeed sida ay sheegeen goobjoogayaal ka agdhawaa cadawga.

Sidoo kale waxay CWXO weeraro mir ah ku kala qaadeen  31kii November iyo 1dii iyo 4tii December deegaanada kala ah  Gurdumi  iyo Dig  oo ka dirsan gobolka Jarareed iyo Qabriwadaad oo ka tirsan gobolka Qoraxay, waxaana cadawga ka soo gaadhay weeraradan khasaare kala duwan oon faafaahintiisa la helin, sababtoo ah waxaa adag in dagaalada habeenimo ee lagu fuliyo cadawga  laga helo faahfaahin buuxda.

31kii November waxaa kulan balaadhan isugu yimid  qaybta Danab ee CWXO waxaana kulanka kala soo qayb galay madax sare uu ka mid yahay  ku simaha Gudoomiyaha ahna madaxa Xarunta Xhexe ee JWXO naftii-hure Sulub Cabdi Axmed. Ujeedada kulankan ayaa ahayd dardargalinta hawlaha qaybta iyo in lagu wadaago xaalada uu hada marayo  halganka.

Madaxda qaybta iyo masuuliyiinta Xarunta  oo kulanka ka wada qayb galay ayaa hoosta ka xariiqay  in guud ahaan CWXO  gaar ahaan qaybta Danab ay sanadkan gaadhay meel aad iyo aad u saraysa  lagana sugayo inay  hawlahooda sii labanlaabaan. Shirkan waxaa mahad balaadhan ay u soo gudbiyeen madaxdii ka soo qayb gashay dhamaan jaaliyadaha kala duwan ee ka hawlgala dacalada aduunka iyagoo cadeeyay in  jaaliyaduhu  miisaanka halgan ay dheelitir buuxa ku sameeyeen. Waxayna ugu baaqeen in sanadkan 2012ka ay ka dhigaan sanadkii ay siyaasada dibada  ee cawadga ay soo afjari lahaayeen, CWXO-yana waxa uu balan qaaday inuu sanadkan muujin doono  bidhaanta xoritada Ogaadeenya.

ONA/MSH

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay