Waxaa Maanta ka dhacay xafiiska Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee magaalada Minnesota shir ay isugu yimaadeen Gudiga Fulinta ee Jaaliyada.

Shirkan ayaa waxaa lagu fur furay aayado quraanka kariim ka ah oo uu soo jeediyay Hogaanka Arimaha diinta Sheekh Mawliid Cabdi wali. Waxaa intaas kadib shirka furay kusii simaha Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee Minnesota Mudane Huud Badri.

Mudane Huud ayaa madasha ka jeediyay warbixin kusaabsan wixii jaaliyada iyo maamulka u qabsoomay intuu uu xilka sida ku meel gaadhka ah usii hayay kadib waxaa lagusoo dhaweeyay gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Cabdi Naasir oo safar kasoo laabtay wuxuuna uga mahad celiyay maamulka sidii hagar la’aanta ahayd ee ay shaqada halganka usii hayeen.

Shirka ayaa waxaa kadib hoos loo galay hawlaha jaaliyada horyaala iyo sidii loosii xoojin lahaa halganka waxaana hoosta laga xariiqay in lasii dar dar galiyo maadaama lagu jiro wakhti kala guura ah oo maamulka TPLF uu gabi kasii laa laado.

Waxaa kale oo la is lagartay in dhamaan xubnaha iyo maamulka lagula xisaabtamo shaqooyinka halgan ee ay hayaan waxaa kale oo ay maamulka sheegeen in lasii xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa jaaliyadaha kale iyo mucaarad Gumaysiga Itoobiya si loosoo dadajiyo dhicitaanka taliska nugul ee TPLF.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu soo xidhay aayado quraanka kariimka ah.

ONA/Minnesota.

   

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay