Warar xasaasi ah oo laga helayo dalka Liibiya ayaa sheegaya in muhaajiriin u dhalatay qaarada Afrika lagu kala iibsanayo wax lagu tilmaamay suuqyada addoonsiga casriga ah oo ka furan dalka Liibiya.

Sida laga soo xigtay Hay’adda socdaalka caalamiga ah ee (IOM) oo la hadashay qaar ka mid ah dadkii la iibsaday ee dhibaneyaasha ahaa ayaa sheegtay in shabakadan dadka ka ganacsata ay ka kooban tahay kooxo hubeysan iyo mukhalisiin (Dalaaliil) ay dadkani geeyaan suuqyo muhaajiriinta lagu iibiyo oo qarsoodi ah kuwaas oo ku yaala dalka Liibiya.

Dadkan lakala iibsanayo ayaa lagu sheegay in ay yihiin Muhaajiriinta xirfadaha leh oo lagu kala iibsado lacago badan, sida uu saxaafada u xaqiijiyay madaxa hay’adda IOM. Dadkii lawaraystay waxay sheegeen in xoog loo haystey laguna khasbay inay shaqeeyaan shaqooyin aysan raali ka ahayn. Dadka qaarkood ayaa lagu khasbay in ay wacaan eheladoodii si ay lacag u soo diraan, waa mida ay Soomaalidu u taqaano Ma-Gafe.

Hay’ada IOM waxay sidoo kale sheegtay in dadka la garaaco jidh-dilna loo gaysto, la faraxumeeyo halka qaarkoodna la khaarijiyay. Waxaa la sheegayaa in qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Liibiya ay u fududeysay shabakadahan in ay u hawl galaan si fudud oo qarsoodi ah iyagoo ka faa’iidaysanaya colaada dalka ka taagan.

Wadanka Liibya ayaa waxay xudun u tahay meelaha dadka soo galootiga ah ay rajeeyaan in ay ka gudbaan badda meditraniyaanka marka ay u socdaa Qaarada Yurub.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay