Hay’adaha ammaanka ee dalkaasi Kenya ayaa la galiyay Heegan sare ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in sagaal Kenyaati ah oo looga shakinsan yahay inay qorshaynayaan weeraro argagixiso ah gaystaan ay soo galeen gudaha wadanka Kenya.

Ciidanka Amaanka ayaa shaaciyay magacyadda iyo sawiradda 9-ka nin ee la tuhunsan yahay, iyagoo ka codsaday shacabka in ay ka caawiyaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa, waxayna kala yihiin Maxamed Taajir, Cabdullaahi Jaarso Kotola, Gufu tari Gufu, Fu’aad Abubakar Mwanswab, Xabiib karongo Alisa Jureyj, juuma were,Abubakar Cabdiqadar Abubakar, Ciise Cabdalla Kauni iyo Axmed Siciid Cumar

Gabagabadii, Kenya waxaa looga dabaaldegayaa xuska Iistarka, waxaana cabsi laga qabaan in Kooxda Al-shabaab oo weerar khasaare badan ka gaysatay Magaalooyinka Nairobia iyo Garisa  sanadihii la soo dhaafay, ay weerar kale oo khasaare gaysta ay ka fuliyaan gudaha Dalka Kenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.