Waxaa kulan balaadhan oo aad loosoo agaasimay isugu yimaaday jaaliyada Ogadeniua ee wadanka Yamen shirkan oo ahaa shirkii bilaha ahaa ee jaaliyada Ogadeniya ee wadanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha jaaliyada waxaana lagu qabtay guriga Umada Ogadeniya ee magaalada Sanca wadanka yamen.

Kulan ayaa waxaa furay kusii simaha gudoomiyaha jaaliyada Ogadenya wadan yamen ah na hogaanka abaabulka ee jaaliyada yamen mudane axmed nuur wuxuu ka war bixiyay mar xalada halganka iyo xaalada guud ee uu maanta ku sugan yahay sidoo kale wuxuu ka war bixiyay jaaliayada iyo wax yaalihii u qabsoomay bilihii ugu danbeeyay wuxuu u mahad celiyay dhamaanba xubnihii sida hawul kar nimada leh uga qayb qaatay abaabulka iyo wacyi galinta bulshada.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay ururada bulshada sida gudoomiyaha ururka Haweenka Ogadeniya Marwo Nimco Mohamed xaaji shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo ban dhigay gudoomiyaha ururka dhalin yarada Ogadeniya oo ay soo doorteen ururka dhalinyarada ee OYSU kaasoo hogaamin doona labada sano ee soo socota waxaana lagu soo ban dhigay mudane Mohamed Abdulahi Abdi.

Waxaa intaas kadib maamulku uu gudoon siiyay shahaado sharaf dhamaanba xubnihii mutaystay waxaana maamulka iyo gudiga jaaliyada kula dar daarmeen dhamaan xubnaha inay kasoo dhalaalaan kaalinta halganka kaga aadan.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul ah

Midtid midnimo Iskutashi Guul Allaahu Akbar.

ONA/Sanca.

  

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay