Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in xaalada wadanku uu kujiro ay tahay mid aad uliidata oo ay adagtahay in taliska wakhtigiisu gabaabsiga yahay ee wayaanuhu uu maaro uhelo.

Sida warkan oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uu muujinayo guud ahaan wadanka Itoobiya ayaa laga waayay lacagtii adkayd taas oo sida lasheegay horseeday in wadanku uu musalafo ama lawaayo dhaqaale howlaha lagu kala wado.

Warka ayaa intaas kudaraya in albaabada laysugu dhuftay warshado badan oo guud ahaan wadanka gumaysiga Itoobiya kashaqaynayay iyo xarumo ganacsi oo kale oo isugu jira kuwo ay shirkado leeyihiin iyo kuwo taliska wayaanuhu uu lahaa.

Xidhitaanka ganacsiga waawayn ee wadanka Itoobiya ayaa lagu sheegay 4 arimood oo sida lasheegay ay mas’uul ka ahayd xukuumada wayaanuhu kuwaas oo kala ah
1 lacagihii deeqaha ama caydha ahaa ee lasiin jiray wadanka Itoobiya oo lajoojiyay kadib markay deeq bixiye yaashu ubogi waayeen sida kooxda TPLF tu wax umaaraysay.
2 bunkii iyo waxyaabihii kale ee wadanka laga dhoofin jiray oo gabi ahaanba istaagay kadib markii shacabku kasoo horjeedsadeen talo xumada kooxda TPLF.
3 dalxiisayshii wadanka imaan jiray oo mudo labo sano kabadan aan imaanin kadib markay dalxiisayaashu ogaadeen dhibka iyo gabood falada kajira guud ahaan wadanka Itoobiya.
4 saraakiisha ugu saraysa kooxda TPLF oo si aan lexjeclo kujirin lacagtii bangiyada taalay kushubtay baananka aduunka.

Sababahaas iyo kuwo kale ayaa lasheegay in ay sababeen sharkadaha waawayn iyo warshadaha wadanka kashaqayn jiray in ay joojiyaan dhamaan ganacsigoodii, dhinaca kale warshadaha ayaa waayay shidaal ay matoorada kukiciyaan kadib markii guud ahaan wadanka laga waayay shidaal.

Dhinaca kale shirkadaha iyo maal gashatada udhalatay Itoobiya ayaa lasheegay in ay wadanka iskaga baxeen kadib markay u cabsadeen naftooda iyo maalkooda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.