Wararka naga soo gaadhaya magalaada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ayaa waxay sheegayaan in ldhalinyaro Lagu xidh xidhay magaalada Dhagaxbuur.

Dhalinyaradan ayaa waxaa naloogu sheegay in ay ahaayeen 5 wiil waxaana nasoo gaadhay qaar kamida magacyada dhalinyarada xabsiga loo taxaabay waxana kamid ah Khadar yuusuf iyo Cabdimaalik xaaji cabdi.

Dhalinyaradan ayaa waxaa laga qabtay ayagoo fadhiya goob maqaaxi ah oo lagu cabo shaaha. Ciidanka wayaanaha ayaa waxay dhalinyaradan geeyeen xabsi ku yaala magaalada Dhagaxbuur   ilaa haatana lama oga xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay laban laabeen tacadiyadii ay ku hayeen shacabka Soomaalida Ogadeniya waxaana xabsiyada ka buuxa dad isugu jira dhalinyaro iyo odoyaal kuwaas oo uu Gumaysigu ku dilayo ama ku xidhayo waxaad taageero u tihiin dagaal yahanada JWXO.

Si kastaba ha ahaatee waxaan dib idiinka soo gudbin doonaa wararkan iyo waxa kasoo kordha, ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu xabsiyada kasii daayo dhamaan ba maxaabiista Soomaaalida Ogadrniya ee ku jira Xabsiyada Gumaysiga.

ONA/Dhagaxbuur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.