Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in qaybo kamid ah Ogadenia uu ka curtay roobkii guga oo aad loogu baahnaa, sida warkusheegayo roobka guga ayaa sifiican uga da’ay dhulbadan oo kamid ah Ogadenia,

meelaha uu sida fiican roobku uga curtay waxaa kamid ah qaybo kamid ah Gobolka Shabeelle iyo qayb kamid ah Gobolka Nogob, sidoo kale raxmada ayaa lasheegayaa in ay sifiican uga da’day dhulka looyaqaano Qaali Dhagax oo u dhaxeeya Dagmooyinka Shaygoosha Iyo Gunagado oo Qoraxay iyo Jarar kakala tirsan.

Sidoo kale raxmada ayaa lasheegayaa in ay sifiican uga da’day dhamaan Gobolka Faafan iyo deegaanada dhinaca galbeed ee wadanka Ogadenia kuwaas oo sida lasheegayo sifiican looga doogsaday.

Wadanka intiisa kale ayaa lasheegayaa in ay dul hoganayaan daruuro aad uqurxoon oo ishu ay jeclaysanayso aragooda kuwaas oo muujinaya in cirku uu dhaysiyay ama gaadhay xiligii uu di’ijiray.

Guud ahaan wadanka Ogadenia ayaa lagaga jiray abaar aad udaran uu dad iyo duunyaba baabi’isay taas oo inkabadan sanad ay kusoo jireen dadka ree Ogadenia.

Dhinaca kale waxaa abaaraha barbar socday cuduro uu ugu waynaa daacuun caloolaha oo laayay dad aad ubadan oo ku dhaqnaa Ogadenia, curka daacuunka ayaa kajira qaybo badan oo Ogadenia kamid ah, mana jiro wax daryeel caafimaad ah oo ay helaan dadka tabaalaysan ee ree Ogadenia.

Sidoo kale waxaa guud ahaan gayiga Ogadenia kajira colaado mudo nus qarni ah kabadan kajiray, waxayna shacabka ree Ogadenia marti unoqdeen dil, jidh-dil, xidhay, dhacay, kufsi iyo barakicin baahan.

Dadka Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Ogadenia ayaa aad ugu baahnaa raxmada Allaah oo ah mida kaliya ee ay kutiirsan yihiin waxaana Allaah kabaryaynaa in uu raxmadiisa siiyo shacabka tabaalaysan ee Soomaalida Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.