Wargayska caanka ah ee African Intelligence ayaa maqaal dheer ka qoray arimaha wadanka Itoobiya wuxuuna joornaalku bogiisa hore kuqoray in taliska wayaanuhu uu qoorta iskula jiro iyadoo taliska guud ee wayaanuhu ay isku maandhaafeen dagaalada ay iyagu huriyeen ee kasocday xuduuda Ogadenia iyo Oromia.

Sida uu wargaysku qoray Raysal Wasaaraha magac uyaalka ah ee Itoobiya Hailemaryam Desaleng ayaa badalay Genaral Abraham Woldumiam Genzebu oo ahaa shakhsiga mudada dheer ku amar kutaaglaynayay wadanka Ogadenia ee gacanta gumaysiga kujira.

Warka ayaa intaas kudaraya in Genaral kan bahaloobay lagu madaluufiyay qaybta howl galada ee wasaarada gaashaan dhiga ee Itoobiya taas oo sida lasheegayo uusan kaheli doonin dhiigii shacabka Soomaalida Ogadenia ee uu qureec, qado iyo cashaba kadhigan jiray.

Haile Maryam Desaleng oo ay TPLF adeegsanayso ayaa booskii Abraham Wolde kubadalay nin kale oo isna udhashay qoomiyada Tigrega oo lagu magacaabo Genaral Masho Beyene Desta. Masho ayaa mudo hore ka soo shaqeeyay Ogadenia gaar ahaan magaalada Jijiga.

Dhinaca kale warar hoose oo wali aan soobixin ayaa sheegaya in gacanyarihii Abraham Woldu Cabdi Ilay laqaadsiin doono wadada uu saaxiibkii maray, sida xogta aan kuhelayno Haile Maryam oo Cabdi Ilay ulo booc booc ah ugu tukubayay hase yeeshee Abraham Woldu mari la’aa ayaa lasheegayaa in uu helay fursad uu ku eryo gacan yare Cabdi Ilay.

Inkasta oo taliska wayaanuhu uu kamidaysnaa isku dirka labada shacab ee Ogadenia iyo Oromia hadana Haile Maryam iyo guruubkiisa ayaa aaminsan in General Abraham uu yahay shakhsiga ka faa’iiday dagaalada qoomiyadaha.

Sikastaba ha ahaatee badalaada General Abraham ayaa muujinaysa tabar la’aanta kooxda TPLF iyo dhiiranaanta kooxihii TPLF u adeegi jiray oo hada talaabaday doonaan qaadaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.