Shir ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho La taliyayaal Dhinacyada Siyaasadda iyo amniga ee dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyadda intii u dhaxaysay 15-16 bishan April ayaa lagu falanqeeyay qaab-dhismeen iyo tiradda Ciidamadda Soomaaliya.

Waxaa lasoo jeediyay, islamarkaana la isla qaatay in  qaab-dhismeedka Ciidamada Soomaaliya ay ka koobnaan doonaan ciidamada Lugta, kuwa cirka iyo Badda. Waxaa kaloo lagu heshiiyay in tiradda guud ee ciidamada milaterigu ay noqdaan 18 kun oo askari, sidii kalena la dhiso Ciidamo si gaar ah u tababaran oo tiradoodu gaadhayso 4000 kun oo askari.

Waajibaadka ciidamada ayaa noqon doona ilaalinta xuduudaha iyo sharafta  madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya, waxay kaloo u xilsaaran yihiin ka hortega  khatarta dibadda iyo gudaha iyo xasilinta dalka. Intii uu socday Kulanku waxaa kaloo laga hadlay tiradda ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo lagu jaangooyay  32 Kun oo askari oo ka howgali doono dhammaan mamul goboleedyada Dalka

Waxaa socda dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu dhiso ciidan tayo iyo tiraba leh oo ilaaliya jiritaanka qaranimada Soomaaliya. Gumaysiga Itoobiya oo ah cadawga koobaad ee qaranka Soomaaliyeed ayaa aad wadnaha farta ugu haya in at Soomaaliya cagta saartay tubtii qaranimada Soomaaliyeed.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.