Waxaa la filayaa in Ra’ayi aruurinta hordhac ah ay horseedo in la helo saddex meelood laba aqlabiyada guud ee loo baahanyahay in la qabto doorashada wakhtigeedii laga soo hor mariyay.

Gudoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee mucaaridka ah Jeremy Corbynn ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista ra’iisalwasaare Ms Theresa May ee doorashada deg dega ah taas oo at ku dhawaaqday Talaadadii lasoo dhaafay. Ms May ayaa sheegtay in ay dooneyso xaqiijinta in ay taageeraan dadka Britain wadahadalada Britain ay uga baxeyso Midawga Yurub (EU) ee loo yaqaano Brexit.

Doorashada guud ee xigta ayaa la filayay in ay dhacdo sannadka 2020-ka, balse mudada cayiman ee xeerka baarlamaanka ayaa ogalaanaya in doorasha waqtigeedii laga soo hormariyay la qaban karo, hadii saddex meelood laba meel baarlamaanka ay taageeraan talaabadaasi.

Go’aanka arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in la horgeeyo Golaha Baarlamaanka. Xisbiga SNP ayaa waxaa ay muujiyeen in ay ka aamusi donaan codeynta, hasa yeshee xisbiyada shaqaalaha iyo midka qunyar usocodka ah ayaa soo dhaweeyay doorashada waqtigeeda laga soo horumariyay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.