Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ciidamada Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj ay afduub kagaysteen gudaha magaalada Gonder ee woqooyiga Gobolka Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelay ciidanka Jabhada Gimbot 7 ee kadagaalama Gobolka Axmaarada ayaa afduubay koox katirsan ciidanka Police-ka Wayaanaha oo sida lasheegay kujiray fal ay shacabka ku argagax galinayeen.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidankii Booliiska ee Gobolka Axmaarada ka howlgala uu lasoo darsay argagax iyo cabsi xoogan oo ay kaqabaan ciidanka Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj iyo shacabka kacdoonka balaadhan kala soo horjeeda taliska wayaanaha.

Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa sheegtay in Xubnaha Booliiska katirsan ee la afduubay ay suuragal tahay in ay iyagu iskood ugu galeen ciidamada Gimbot 7, waxayna kooxdu kusababaysay in ay jiraan ciidamo badan oo horaan uga tirsanaan jiray ciidankooda oo isu dhiibay Jabhadaha hubaysan.

Shakiga kooxda TPLF ta ayaa imaanaya xili qaraabada ciidanka la Afduubay ay wal wal badan ka qabaan wiilashoodii la afduubay taas oo keentay kala fogaansho dhex yimid shacabka lagumaysto iyo kooxda TPLF

dhinaca kale afhayeen uhadlay Jabhada Gimbot 7 ayaa sheegay in ay gacanta kudhigeen tiro ciidan ah oo kamid ah ciidanka Booliiska wayaanaha, ayna rajaynayaan in ay qaban doonaan qaar kale oo badan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.