Shirweyne ay soo diyaariyeen Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaabilsan qaarada Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa ka furmay Magaalada Stuttgart ee dalka Germany.

Saraakiisha Maraykanka ayaa kala hadlaya Taliyeyaasha wadamada Afrikaanka ah la dagaalanka kooxaha hubeysan oo ay ugu horeyaan Boko Xaram iyo Al Shabaab. Kulankan ka dhacaya Germany ayey ka qeyb galayaan Taliyayaasha Militariga 40 wadan oo Afrikaan ah, waxaana lagu sheegay mid lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada Maraykanka iyo kuwa Afrikaanka ah.

Maraykanka oo sanadihii lasoo dhaafay xooga saarayey dalalka Afrika ayaa dhinaca kale dadaal dheer ugu jira inuu hub badan ka gado qaar kamid ah dalalka dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah sida wadanka Nigeria oo dooneysa inay diyaarado kasoo gadato wadanka Maraykanka, mashruucaasi oo ku bixi doona 600 milyan oo dollar ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.