Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga faalooda dhinaca siyaasada wadamada Africa ayaa sheegaya in wadanka Eritrea uu yahay wadanka maanta dunidu ay tartanka ugu badan ugu jirto xidhiidh layeelashadiisa iyo booqashadiisa.

Sida warku sheegayo wadanka Eritrea ayaa noqday wadanka ugu badan ee wadamada caalamku kafurtaan safaarado si ay uwanaajiyaan xidhiidhka wadamadooda iyo wadanka Eritrea oo ah wadanka Gobolka geeska Africa kaga yaala meel muhiim ah isla markaana muhiim u ah marin biyoodka aduunka.

Madaxwaynaha Eritrea Isayas Afwerk ayaa todobaad kan qaabilay safiiro aad utiro badan oo doonaya in ay safaarado ka furtaan wadanka Eritrea waxaana safiirada wadanka yimid kamid ah Mr Aykut Kumbaroglu oo kasocday wadanka Turkiga, Mr Yang Zigang oo kasocday wadanka China, Mr Joff Otieno Mokowenga oo wadanka Kenya kasocday, Mr Raza Bashir oo kasocday wadanka Pakistan, Dr Karin Boven oo kasocda wadanka Netherland, Mr James Kimonyo oo kasocday wadanka Rwanda, Mr Lee Kiseong oo kasocda wadanka South Korea, Mr Amrit Lugun oo wadanka India kasocday, Mr japhet Isaack oo wadanka Namibia kasocday, Mr Bard Hapland oo wadanka Norway kasocday iyo Mr Ma Yong Hui oo kasocday wadanka North Korea.

Maxadwayne Isayas (Isaias) Afwerk ayaa lasheegayaa in uu dhamaan safiiradan iyo kuwo kale oo badan ka gudoomay shahaadada safiirnimo waxaana sida lasheegay safiirada lagusoo dhaweeyay dhul sifiican loodiyaariyay oo kuyaala magaalada Asmara.

Wadanka Eritrea oo kuyaala badaca cas ee woqooyiga geeska Afrika ayaa lasheegayaa in ay dhamaan dunidu ugu jirto sidii ay xidhiidh dhaw ulayeelan lahayd si dowlad kasta ay u ilaaliso danaha iyo dhaqaalaha wadankeeda.

Dhinaca kale arintan ayaa lagu macneeyay dowladaha caalamka oo karajo dhigay wadanka Itoobiya isla markaana iskaga sooguuray kuwaas oo dhamaantood danaynaya wadanka Eritrea ee leh dakadaha iyo istaraatiijiyada kalaba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.