Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada ay yimaadeen Siyaasiyiin kasocda wadanka Canada.

Sida xogta aan kuhelay siyaasiyiinta ayaa kulan laqaatay Raysal Wasaaraha maqaar saarka ah ee wadanka Itoobiya Hailemaryam Desaleng, warka ayaa intaas kudaraya in siyaasiyiintu ay Hailemaryam runta usheegeen.

Siyaasiyiinta wadanka Canada kasocday ayaa lasheegayaa in ay Hailemaryam hordhigeen dhambaal cambaarayn ah oo ay kawadeen xukuumada iyo shacabka wadanka Canada.

Siyaasiyiinta ayaa Desaleng u cadeeyay siday uga xun yihiin dhibaatooyinka ay ciidanka dhaqanka xun ee wayaanuhu kuhayaan shacabka ku hoos nool xukunkiisa, syaasiyiinta ayaa sidoo kale Hailemaryam siiyay digniin kama dambays ah oo ay kawadeen wadankooda.

Dhawaan ayay ahayd markay Wasaarada Arimaha Dibada ee Maraykanku digniin lamid ah mida wadanka Canada siisay taliska wayaanaha, wuxuuna Maraykanku joojiyay inta badan kaalmadii uu siin jiray taliska wayaanaha.

Sidoo kale ururka midowga Yurub EU ayaa dhaliilo culculus usoo jeediyay taliska wadanka Gumaysiga Itoobiya, wuxuuna ururku silamid ah dowlada Maraykanka joojiyay kaalmadii uusiin jiray kooxda TPLF.

Sikastaba ha ahaatee kooxda TPLF ayaa dhex musheexaysa mowjado siyaasado ah oo ayna maaro uhaynin waxaana isasoo xidhaya albaabkasta oo ay furaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.