In ka badan 140 ruux ayaa geeriyootay kadib marki ay kooxda Taliban Jumcihii weerartay saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada dowlada Afqaanistaan oo ku taalla waqooyiga dalkaasi. Weerarkan waxaa uu ahaa kii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sanadki 2001.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ilaa iyo 10 maleeshiyo oo watay baabuur miineysan oo loo soo ekeysiiyay kuwa ciidanka ay isku qarxiyeen xerada ciidanka Shaheen ee ku yaala magaalada Mazar-al-Sharif, oo ah caasimadda gobolka Balkh ee waqooyiga dalka Afhganstan.

TV ga qaranka ayaa kasoo xigtay saraakiil ka tirsan Dowlada oo diiday in magacooda la sheego in weerarkaasi uu gallaaftay nolosha 140 askari, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 kale oo ka tirsan ciidanka milatariga.

Sida ay sheegeen saraakiisha, ciidamada qaar ayaa la laayey xilli ay kasoo baxayeen masaajidka, halka kuwo kalana ay ku sugnaayeen goob laga cunteeyo oo ku dhextaalla xerada. Ciidamada kumaandooska oo goobta tagay ayaa soo afjaray weerarka kadib dagaal culus oo goobta ku dhexmaray iyaga iyo maleeshiyada weerarka soo qaaday.

Afhayeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid, ayaa sheegtay in ay iyaga ka danbeeyeen weerarka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay