Waxaa maanta oo ay tarikhdu tahay 22/04/2017 kulan isugu yimaaday gudiga fulinta ee ururka dhalinyarada iyo ardayda Ogadenya OYSU iyo gudiga fulinta Ee Jaaliyada Ogadenya Faraca Frankfurt ee dalka Germany  halkaas oo ay ka doodayeen siday isula hawl gali lahayen labada gudi loona qaadi lahaa talaabooyin lagu horumarin hayo halganka ay jwxo hormuudka u tahay ee ay shacabka Ogadenya ku jiraan.

Kulan aya waxaa lagu soo bandhigay wax badan waxaana looga dooday si waafi ah ayadoo ugu danbaystii lasoo saaray qodobo wax ku ool kuwaasi oo lagu dar dar galiyo hawlaha halganka.

•Waxa la isla meel dhigay qaabkii ay isula hawl gali lahaayen laamaha isku shaqada ah sida laanta dhaqaalaha ee jaaliyada iyo laanta dhaqalaha ee OYSU.

•Waxaa si wanagsan looga dooday sidii qadiyada reer Ogadenya looga gadi laha dawlada iyo dadka Germalka loona soo ban.dhigi xaqiiqada dhibaatada iyo xasuuqa ka jira dhulka Ogadenya.

•Waxaa si wanaagsan la isula meel dhigay sidii Warbaahinta loo xoojin laha loona samayn lahaa barnamijyo badan oo halganka ummada Ogadenya dhibaatadeeda ka hadlaya.

Waxaa kale oo Laga hadlay qodobo badan oo udub dhexaad u noqon doono hawlaha dar darta cusub ee la galin doono guud ahaan ba jaaliyada Ogadenya Jarmany.

Ugu dambayntii waxaa lagu soo gaba gabeeyay in si adag loo xoojiyo in ay labada gudi si hufnaan iyo hawl karnimo leh ay isula shaqeeyan.

Shirka ayaa ugu danbayn tii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

Midtid midnimo iskutashi guul Allaahu akbar

ONA/Fronfort.

      

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay