Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah lagu qaaday kolonyo kamid ah Ciidanka wayaanaha oo marayay meel lagu magacaabo Ambush oo hoos timaada magaalada Gonder.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu dilay inta la xaqiijiay afar askari oo kamid ah ciidamada gumaysiga Itoobiya, waxaa kale oo lagu dhaawacay 5 kale oo lagu dabiibayo magaalada Gonder sidoo kale waxaa ciidanka wayaanaha lagaadhsiiyay khasaare maal.

Ma jiro cid sheegatay weerarkan ciidanka wayaanaha lagu qaaday waxaase ka dagaalama dhulka Axmaarada Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj oo dagaal hubaysan kula jirta gumaysiga Itoobiya. Dagaalkan ayaa dhanka kale waxaa ku dhintay saraakiil ciidan oo sida lasheegay uu kamid ahaa hogaamiyihii ciidanka oo ahaa gudoomihii tuulada Addis Zemen,  oo magaciisa lagu sheegay Asefa Sitotaw.

Dagaalada iyo weerarada lala beegsan hayo ciidanka Wayaanaha ee ka jira Gobolka Axmaarada ayaa kasii daraya marba marka ka danbaysa. Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xili uu raisal wasaare ku sheega gumaysiga Itoobiya ku sugan yahay magaalada Bahardar ee Gobolka Axmaarada.

Wararka iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay