Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta (HWF) ee JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu booqasho ku tagay wadanka UK wuxuuna la kulmay masuliyiin ka tirsan Hogaanka Warfaafinta ee JWXO uu ka kooban yahay sida Waaxda Ilays TV  iyo Waaxda Fanka & Suugaanta Soomaalida Ogaadeniya.

Kulankan ayaa waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana furay gudoomiyaja jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee London halgame Yuusuf Qabile. Kadib waxaa lagu soo dhaweeyay HWF Mudane Hassan Moalin wuxuuna uga war bixiyay marxalada siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaan Gumaysiga Itoobiya iyo kala yaaca soo wajahay.

Sidoo kale wuxuu la wadaagay halganka Soomaalida Ogadenya marxalada uu maanta marayo sidoo kale wuxuu la wadaagay muuqaalo ku saabsan halganka kuwaasoo aad u farxad galiyay dhamaan ba qaybihii kala duwanaa ee kasoo qayb galay kulanka.

Masuuliintii kulankan kasoo qaybgalay ayaa iyaguna dhankooda talooyin iyo afkaaro aad uqiima badan kasoo jeediyay. Waxaana laysku raacay in hawlaha HWF horumarin lagu sameeyo si xaqiiqda iyo xogta dhabta ah ee bulshadu ubaahan tahay loo gaadhsiiyo shacabka Soomaalida Ogadenya isla markaana loo fashiliyo qorsheyaasha Gumaysiga een xaqiiqda dhabta ah ee shacabka gudaha Ogadenya uu kujiro aan ka turjumaynin.

Isku soowada duuboo Gudoonka Sare ee HWF ayaa dadaal balaadhan oogu jira sidii loo dardar galin lahaa hawlaha hogaanka isla markaana iskaashi buuxa loola samayn lahaa shacabka Soomalida Ogadenya meelkastoo uu joogo.

ONA/London.

     

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay