Maanta oo Axad ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 23/4/17 waxaa xerada qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi ka qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee faraca Iftin ee kahowl gala deegaanka Faafi.

Shirkan oo furmay galinkii hore ee maanta ayaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uusoo jeediyay halgame Macalim Deeq, wacdiga sheekha ayaa galgilay qalbiyada kasoo qayb galayaasha.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay halgame Aamiin Axmad oo bulshada lawadaagay warbixin dheer oo gudaha iyo dibada Ogadenia ah, wuxuuna mudane Aamiin ifiyay warar badan oo bulshadu ay ubaahnayd.

Kulankan oo lagaga hadlay qodobo aad umuhiim ah waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin hogaanka qoxootiga mudane Daahir Maxamad Cali iyo mudanayaal badan oo kamid ah howl wadeenada JWXO.

Sidoo kale waxaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysay laga dhagaystay halgame Maxamuud Sooc oo kamid ah Golaha Dhexe ee JWXO.

Guntii iyo gunaanadkii shirka ayaa soo gabagaboobay abaare salaadii duhur ee maanta wuxuuna kusoo gabagaboobay si nabad ah.

Baclay
ONA Xagardheere.

       

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay