Marka hore iga gudooma salaam ku haboon umad halgamayaal ah oo kasoo go’day meel aan ogahay, kadib waxaan jeclahay inay Akhristayaashu ila wadaagaan mawduucan aan ugu magac,darayo BARNAAMIJKA ABAABULKA IYO DIYAARINTA ee ku wajahan Soomaalida Ogadenya guud ahaanteed gude iyo dibad meel kasta ha joogeene. Halgamayaal Waxaan joognaa Qarni far waawayn ku qoraya inayna cidina ogolayn in la guumaysto isla markaana la isla tuuray Guumayste iyo kabihiisaba, haduu cadaa iyo haduu madoobaa, haduu waxtar geystay iyo haduu wax la’aan ahaaba. Waxaa muhiim ah in dadka uu caadku indhaha kasaaran yahay ay dib Maskaxda u celiyaan Qalbiyadana u sifeeyaan, si wanaagsana wax u kala arkaan.

Waxaa arinkaas ku caawin kara inay u fiirsadaan waxa ka dhacaya hareerahooda iyo Caalamkaba oo ah hardanka u dhaxeeya adoonsi,diidaha iyo adoonsi,doonaha ee ay saxaafadda ka maqlayaan ama Telefeshinada ka arkaayaan. Si aan taa u fahansiiyo inta qalbigoodu furanyahay waxaan soo gudbinayaa Tusaalayaal iyo cadeymo wax lagu qaadan karo. Waxaan isku dayayaa inaan soo uruuriyo isbadaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Qaaradda Afrika.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.