Waxaa shir isugu yimid xubnaha jaaliyada Ogadenya ee wadanka Koonfur afrika gaar ahaan JOKA faraca Port Elizabeth magaalada Uitenhage shirka waxaa kasoo qaybgalay xubno badan kana kalyim nawaaxiga P E shirka ayaa waxaa lagu fur furay wacdi diini ah waxaana intaas kadib lagusoo dhaweeyay mudane sheekh xamdi oo ah hogaan katirsan golaha dhexe ee JWXO wuxuuna soo jeediyay khudbad dhinacyo badan taaban haysa asagoo ka waramay marxalada siyaasiga ah ee geeska afrika xaalada Shacabka Ogadenya,ciidamada JWXO, abaaraha iyo waliba daacuunadii kaddilaacay.
mudanuhu wuxuu kawaramay xaaladda maxaabiista Ogadenia ee cadawgu gacanta kuhayo iyo sida loola dhaqmo sidookale wuxuu siwaafi ah uga waramay shirkii golaha dhexe ee dhacay bishii lasoo dhaafay kaas oo ay kasoo baxeen go’aamo wax ku ool ah shirkuna aad ayuu usoo dhaweeyay go’aamada golaha dhexe.
Waxaa kale oo ka hadlay shirka masuuliyiinta faraca uu ugu horeeyo guddoonka faraca mudane cabdi taajir. waxaa kale oo la dhagaystay aragtida xubnaha waxaanna lagu ballamay hor usocod iyo in la dar dargaliyo hawlaha halganka iyo ladagaalanka gumaysiga lagana hortago waxkasta oo bulshada isku danta ah kala fogayn haya.
shirku waxuu baaq udiray dhammaan xubnaha JWXO iyo shacbiga Ogadenia in ay gacmaha isqabsadaan hal meel ahna kadduulaan shirka ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan.

mintid midnimo iskutashi alaa wayn.
ONA/Joka PE

 

   

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay