Dowlada Sweden ayaa soo jeedisay in ciidamo Swedish ah loo diro xeebaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howlgalka la dagaalanka budhcad-badeeda ee midowga Yurub.

Tirada ciidamada ay Sweden soo jeedisay in loo diro xeebaha Soomaaliya, ayaa ah 135 askari iyo labo doomood oo kuwa dagaalka ah. Wuxuuna howlgaldoodu bilaaban doonaa bisha September ee sanadkan aan kujirno ee 2017.

Waxaa labadii bilood ee ugu danbeeyay soo batay weerarada ay geystaan kooxaha budhcad-badeeda ah ee xeebaha Soomaaliya doomaha ka afduubta. Xukuumada Sweden ayaa soo jeedinta go’aankeedan horgeyn doonto baarlamaanka dalkaas, si ay u meel-mariyaan kahor inta aan la dhaqangalinin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay