War dag dag ah oo goor dhaw naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in dhaawac halis ah loo gaystay taliye kuxigeenkii amaanka ee magaalada Gonder.

Warkan oo aan kahelay ilo wareedyo kusugan magaalada Gonder ayaa sheegaya in taliye kuxigeenkii Amaanka ee magaalada Gonder Abay Amare loogaystay dhaawac aad u culus, dhaawaca taliye kusheegaya ayaa yimid kadib markay dablay hubaysan kufurtay rasaas isagoo maraya gudaha magaalada Gonder.

Dhaawaca Abay Amare ayaa lasheegay in markii hore ladhigay isbitaal kuyaalada Jaamacada Gonder halkaas oo xaaladiisu markay sii cuslaatay lagaga qaaday diyaarad kuwa qumaatiga ukaca ah oo ay ciidanka malatarigu leeyihiin.

Warka ayaa intaas kudaraya in Abay Amare lafilayo in uusan naf lagaadhaynin magaalada Addis Ababa oo loola cararay, rasaasta lasheegayaa in ay taliye kusheega kahaleeshay madaxa iyo xabadka.

Abay Amare oo hada kumagacaaban taliye kuxigeenka Amaanka ee magaalada Gonder ayaa lasheegay in uu ahaan jiray saaxiibka Kaligii taliye Malis Zanawi isla markaana uu ahaa qaraabada dhaw ee Malis.

Dhinaca kale Abay Amare ayaa lasheegayaa in uu ahaa shakhsi siwayn uga dhex muuqda xisbi kusheega TPLF, waxaana lasheegayaa in uu kamid ahaa shakhsiyaadka shacabka Tigreegu ay ku faanaan ee qoomiyadaha kale dhiba.

Magaalada Gondar ayaa dad badan oo shacbi ahi xabsiga loo taxaabay, xaalada magaaladuna aad ayay u kacsantahay.

Magaalada Gonder ayaa hoye unoqotay qaraxyo iyo qalalaaso waxaana mudo lix bilood ah magaalada Gonder gudaheeda kadhacay 10 qarax oo loo adeegsaday bam latuuray.

Qaraxyada iyo weerarada dhinaca rasaasta ah oo aad ubadan ayaa lasheegayaa in ay galaafteen nolosha saraakiil badan oo ciidanka wayaanaha katirsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay