Maanta oo Isniin ahayd taariikhduna ay kubeegantahay 24/4/17 waxaa magaalada New York ee wadanka Maraykanka kafurmay Kalfadhigii 16aad oo lagaga shucuubta dulamn ee loo yaqaano indigenous Forum. Ururka wuxuu shiishka saari doona reer guraga Ogadenia oo xaqiran.

Shirkan oo socondoona mudo 10 bari ah waxaa shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia uga qayb galay wafti uu hogaaminayay Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maaday) oo ah gudoomiye kuxigeenka ururka UNPO oo ah urur ay kumidoobeen dadyoowga aan dowladaha lahayn.

Mudane Maaday oo hogaaminayay wafti kasocda Ururka Xuquuqda Shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa lagu wadaa in uu khudbad taariikhi ah kajeedin doono madasha uu shirku kasocdo baryaha soosocda hadii Alle ogolaado.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan shucuubta lagumaysto ee looyaqaano Indigenous Forum ayaa diirada lagu saari doonaa reer guuraaga ree Ogadenia oo ah dadka lagumaysto kuwa ugu siidaran ee dhibaatooyinka loogaysto.

Shirkan oo sida lasheegay ay kasoo qayb galeen 11 urur oo kumidaysan ururka UNPO iyo dad kale oo dunida kudulman ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa dhibaatooyinka lagu hayo shucuubta kala duwan ee kuhoos nool taliska wayaanaha, xukuumada wayaanaha ayaa laysla qiray in ay tahay mida ugu daran ee dilka, jidhdilka, kufsiga iyo dhaca ugaystata dadka ay gumaysato.

Taliska wayaanaha ayaa fashil xoog leh kala kulma shirarka noocan ah waxaana xukuumada TPLF lagu cambaareeyay shirar hore oo noocan ah oo kadhacay wadamada ree galbeedka.

Hooska daawo muuqaalka shirkaas laga soo diyaariyay.

ONA.

http://webtv.un.org/live-now/watch/sixteenth-session-of-the-committee-of-experts-on-public-administration-cepa-2017/5195596541001

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay