UNDP oo Shir U Qabatay Haweenka Soomaaliyeed ee Baarlamaanka Kujira.
Xafiiska UNDP ee Soomaaliya ayaa magaaladda muqdisho ku qabatay kullan Ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa doorka haweenka ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeybgalka siyaasadda dalka iyo sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ay dalka ku leeyihiin.
Shirkan oo lagu qabtay xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa furitaankii ka qaybgalay labada guddoomiye ee barlamaanka federaalka, xubno ka socda baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo qaar kamid ah haweenka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dumarka Soomaaliyeed,
Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Deeqa Yaasiin Yuusuf ayaa shirka ka sheegtay in kordheen tirada haweenka ah ee soo galay baarlamaanka dalka doorashadii u dambeysay, waxayna xustay in haweenka looga baahan yahay haweenka siyaasadda soo galay looga baahan yahay in ay ka warqabaan arimaha ka jira deegaan doorashooyinkooda.
Guddoomiyaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sheegay in haweenku ay kaalin muuqata ay ku leeyihiin horumarka dalka isla markaana xilligan ay tahay in isku duubni la yimaadaan.
Maxamed Sh Cismaan guddoomiyaha golaha shacabka oo isna hadal u jeediyay ka qeybgaliyaasha shirkan ayaa sheegay in caqabado badan ay ku hor gudban yihiin haweenka Soomaaliyeed dhanka siyaasadda, wuxuu ku booriyay in ay yeeshaan ajende qaran oo tilmaamaya waxyaabaha haweenka ahmiyadda u leh.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.