Raysal Wasaaraha maqaar saarka ah ee wadanka Itoobiya Hailemaryam Desaleng oo warfidiyeenka kulahadlay magaalada Addis Ababa ayaa qarxiyay sir badan oo dadka qaarkii kadaahnayd.

Desaleng oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu jiro khilaaf ragaadiyay maamulkiisa kaas oo sida uusheegay ay wadaan shakhsiyaad qaswadayaal ah oo katirsan xisbiga talada wadanka haya.

Desaleng ayaa sheegay in khilaafku uu saameeyay xisbiga EPRDF iyo TPLF labaduba kaas oo keenay in shaqada dowlada ay aqabad kunoqoto, Desaleng oo hadalkiisa siiwatay ayaa fashiliyay dhamaan khilaaf yadii udhaxeeyay isaga iyo kooxda TPLF ee is mulki siisay talada wadanka.

Dhinaca kale Hailemaryam ayaa sheegay in Abay Sahay uu yahay shakhsiga ugu dhibka badan ee aqabada ku ah maamulkiisa, wuxuuna intaas raaciyay in wuxuu Abay Sahay Warbaahinta usheegay uuyahay been abuur iyo kala dil badaxda iyo shacabka Itoobiya.

Abay Sahay oo ah shakhsi siwayn saamayn ugu leh siyaasada dalkauna dhashay qoomiyada Tigreega ayaa isagoo lahadlaya qaar kamid ah xisbiyada wadanka sheegay in kacdoonka iyo qalalaasaha ay kadambeeyaan saraakiil uu barbaariyay Raysal Wasaaruhu isla markaana Abay Sahay ayaa sheegay in hadii labadali waayo uu lahadli doono saxaafada.

Waa markii ugu horaysay ee Raysalwasaaraha Itoobiya uu saxaafada uga warbixiyo fashilka soo food saaray taas oo muujinaysa sicir bararka siyaasadeed ee wayaanaha lasoo darsay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay