Labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson iyo Gaashaandhigga, Jim Matttis ayaa warbxin cusub siinaya Xildhibaanada Aqalka sare ee Maraykanka taas oo ku saabsan xaaladda Kuuriyadda Waqooyi.

Kulanka oo dhacaya maanta berri oo Arbaco ah. Kulan aan caadi ahayn oo ay ka soo qaybgalayaan 100 Xildhibaan oo Aqalka sare katirsan ayaa ka qaybgalaya kulanka maanta ka dhacaya Aqalka Cad ayuu yidhi Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.

 Warkan ayaa sheegaya in kulanka lagu wadey in markii hore uu ka dhaco Capitol Hill laakiin Madaxweyne Donald Trump ayaa bedalay kana dhigay Aqalka Cad. Trump oo kulan la qaatey Qaar kamid ah safiirada Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa u sheegay maalintii isniintii in ay u diyaar garoobaan cuno qabateyn tii u adkeyd oo lasaaro Kuuriyada Waqooyi.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay